Taliye  Saldhig  oo Musuq loo xiray.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha    saldhiga Boliska degmada Wartanabadda iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq  Baaraha Dambiyada Saldhiga  iyo Kormeera Labaada Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsana Ciidamada saldhiga  degmada  ayaa lagu soo eedeeyay in  ay qaateen lacag laauush ah.

Kowda bishan aynu ku jirno ayaa Ciidamada Amniga soo xireen Eedeysanayaal    Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen taliyaha saldhiga degmada Warta-nabadda , baaraha dambiyada saldhiga   Alifle Cabdi Cumar Isaaq  iyo Cabdifitaax Maxamuud Cabdi  oo ka tirsanaa ciidamada saldhiga ayaa  lala xiriirinayaa qaadasho lacag laaluush ah, waxaana markii ay soo xireen Ciidamada Amniga eedeysanayaasha  kadib ku soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida .

Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa markii ay soo gaartay eedda ka dhanka ah eedeysanayaasha, waxa ay   maalin kadib horgeeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiisatay garsoorayaasha in la xiro si’ ay u soo dhameystiraan  cadeymaha eedda loo heysto  Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha  Boliska saldhiga  degmada Wartanabadda  iyo labada askari ee kala tirsanaa saldhiga degmada Warta-nabadda.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xabsiga dhigtay taliyihii Boliska Saldhiga  Warta-nabadda iyo laba askari oo kala tirsanaa saldhiga, waxa ayna fareen xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo soo afjari lahaa Musuqa, Maxkamadaha rayidka iyo tan ciidamada qalabka sida ayaa la horgeeyay eeddo lala xiriirinayo Musuq-maasuq waxa ayna Maxkamadaha xabsiyada dhigeen  eedeysanayaal loo heysto Laaluush iyo ku tagrifal awoodeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...