Ra’isul wasaare Kheyre oo gaaray Khartoum

Date:

Muqdisho (SNTV)-Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaaray Khartoum si ay uga qeyb galaan shirka IGAD oo heshiis rasmi ah ay ku kala saxeexanayaan dhinacyada isku haya Koonfurta Sudan.

 Dalalka gobalka ayaa dadaal xoogan ugu jiray sidii ay u soo afjari lahaayeen colaadda siyaasadeed ee ka dhex jirta Koonfurta Suudaan.
Horey ayay Madaxda ku bahoobay Ururu gobalaadka IGAD ay ku kulmeen Addisabab oo xarun u ah Ethiopia, waxaana madaxda Ururka ay horay iskula soo qaadan xal u helista xaaladda murugsan ee Koonfurta Suudaan ka jirto.
Kulan la isugu keenayo dhinacyada isku hayo ayaa la filayaa in la qabto isagoo gogol xaar u noqon doono dadaallada nabadeeda ee loogu jirto Suudaanta Koonfureed, waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...