Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo magacaabay Wasiiro cusub

Date:

Axad, 25, August, 2018, Muqdisho (SNTV) Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisulwasaaraha JFS ayaa lagu magacaabay wasiirro cusub kuwaasi oo kamid noqonaya Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hadaba, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane, Daahir Maxamuud Geelle ayaa goordhow ka baahiyay telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) Magacyada iyo xilalka Wasiirada Cusub ee la magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin sidan soo socota.

1- Mudane C/laahi Goodax Bare oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare.

2- Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo loo magacaabay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

3- Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

4- Mudane C/laahio Bidhaan Warsame oo loo magacaabay Wasiirka Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda.

5- Mudane C/qaadir Sheekh Cali Bakhdaadi oo loo magacaabay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada.

6- Iyo Mudane Showaqar Ibraahim Cabdalla oo loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha.

Wasiirada la magacaabay ayaa lagu wadaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareegaan xilalka wasaaradaha loo igmaday.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...