Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Beeraleyda Ku Dhiirri Geliyay Kordhinta Tacabka Beeraha

Date:

Muqdisho, August 5, 2018  (SNTV):-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qayb galay munaasabad looga hadlayay iskaashiga dib usoo noolaynta wax soo saarka beeraha ayaa sheegay in qorshaha lagu kordhinayo tacabka beeraha iyo wax soo saarka uu dardar gelinayo kobaca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaara ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in hadii iskaashi xoog leh laga sameeyo kordhinta dalagga beeraha Soomaaliya, Beeraleydu ay ku dhiiraneyso tacabka, dhaq-dhaqaaq ganacsi oo xoog leh uu bilaabanayo, Dhaqaaluhu kobcayo, shaqa abuurkuna badanayo.

Munaasabadda uu ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu ka qayb galay oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka beeraha iyo Waraabka XFS, Siciid Xuseen Ciid, wasiir ku-xigeenka, wasiirka qorshaynta, Guddoomiyaha gobalka Banaadir, mas’uuliyiinta hey’adda cunnada aduunka (WFP) ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, iskaashatada beeraha iyo ganacsato ayaa ka dhacday Bakhaarrada WFP ee dekadda Muqdisho halkaas oo lagu keydiyay Galey laga iibiyay beeraleyda Soomaaliyeed oo gaareysa 2,500 metric ton.

Hey’adda Cunnada aduunyada (WFP) oo qayb ka ah qorshaha iskaashiga kordhinta iyo soo nooleynta wax-soo saarka beeraha Soomaaliya ayaa oggolaatay in ay iibsato Galeyda dalka kadib baaritaan lagu ogaaday in ay tahay nuuca ugu wanaagsan Galayda Bariga iyo Bartamaha Afrika arintaas oo Soomaaliya u oggolaatay in ay ku biirto wadamada WFP Galeyda ay ka iibsato.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in heshiiska WFP ay ku oggolaatay in dalkeenna ka iibsato Galeyda uu horseedayo in dhaqaale badan uu soo galo beeraleyda kadibna ay soo iibsadaan qalab casri ah oo sare u qaadaya wax soo saarka beeraha dalka iyo warshado waaweyn oo Galeyda u bedela cunnooyin kale oo bulshadu u baahantahay, waxa uuna beeraleyda ku dhiirri geliyay in ay kordhiyaan tacabka beeraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...