Hub iyo Shaqsiyaad lala xiriirinayo Al-shabaab oo la soo bandhigay

Date:

Muqdisho (SNTV) Howlgalkaan ayaa lagu soo qabatay shan bambaano, labo bistoolad iyo dukumiinti  ay soo qoreen kooxda Al-shabaab iyo 6-ruux oo midi ay haween tahay, iyadoo lagu soo bandhigay saldhiga degmada Yaaqshiid ee Gobolka banaadir, waxaana kiiskooda lagu wareejiyay ciidanka dambi barista eeCID.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan Geedoow ayaa sheegay in door weyn ay ka qaateen Bulshada Degmada howlgalka nabadiidka lagu soo qabtay.

“Howlgalkaan waxaa door weyn ka qaatay shacabka, waana muhiim wadashqeynta shacabka iyo laamaha amaanka, sidaa daraadeed waan u mahad celineynaa Bulshada reer yaaqshiid “ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa  sheegay in looga Baahanyahay dadka kireeya guryaha iyo kuwa ganacsatada ah  in ay waajib ku tahay hubinta dadka ay guryaha ka kireynayaan, taasi oo qeyb ka ah sugiddaAmniga.

“Dadka kireeya guryaha waxaa looga baahanyahay in ay hubiyaan dadka ay ka kireynayaan”ayuu yiri guddoomiye Tuulax

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...