Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey dilalka al shabaab ee dadka rayidka ah.

Date:

Muqdisho, August 5, 2018  (SNTV):-isusoo bax ballaaran oo loogasoo horjeedo dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada muqdisho ayaa maanta ka dhacay muqdisho.

Isusoo baxaan oo ay soo qabanqaabiyeen ururada dhalinyarada ee gobolka banaadir ayaa waxaa loogasoo horjeeday falalka dilka ee kooxda argagaxisada ee  alshabaab ay la beegsato dadka waxgalka ah, gaar ahaan dilka loogeystay wiil dhalinyarada ah oo u ololeyn jiray arimaha bulshada.

Dhalinyarada oo isugu jira rag iyo dumar, ayaa waxaa ka muuqatay shucuur iyo dareen naxdin le, waxaana madaxda ay kusoo xirteen calaamado cad cad, oo ku doonayaan in nabad galo la helo. waxaana ay wateen  boorar ay qoranyihiin halkudhigyo muujinayo sida ay uga xunyihiin dadka rayidka   iyagoo  socod dheer kusoo mareen qaar kamid ah wadooyinka muqdisho gaar ahaan wadada Makkal al mukaramah.

Maxaa loo dilay? iyo cadaalad ayaan u baahannahay,Qofki maanta i dilaa, barrina adiga ayuu ku dilaa,iyo ereyo kale ayaa ku qornaa boorarka ay wateen

Gudoomiyaha ururka midowga dhalinyarada soomaaliya Munna xasan maxamed oo loo yaqaano Muna Axlaa oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in sababta ay isugusoo baxeen maanta ay tahay sidii ay uga dhiidhin lahaayeen falalka dilka ee marwalba loogeysto dadka muhiimka u ah bulshada, iyo sidii ay u muujin lahaayeen sida ay uga xunyihiin arintan, waxayna ugu baaqday dowlada somalia inay gacan ka geysato sidii cadaalada loo horkeenni lahaa koxa caadeystay daadinta dhiigga dadka soomaaliyeed.

Ma ahan isusoo bixi ugu horeeyey ee muqdisho kadhaca oo loogasoo horjeeda dilalka qorsheysan ee  kooxaha argagaxisada ay bulshada la beegsadaan, waxaana uu kusoo beegmayaa iyadoo maalmihi ugu dambeeyey ay magaalada muqdisho ka dhaceen dilal loogeystay dad isugu jira ciidan iyo shacab.

kooxda argagaxisada ah ee alshabaab oo caadeysatay banneynta dhiigga dadka muslimiinta ayaa sheegata masuuliyada dilalkaas, waxaase haatan ay muuqataa sida shacabka soomaaliyeed ay ugu midoobeen islamarkaana ay uga dhiidhinayaan falalka guracan iyo dhibataada kooxdan ay ka waddo wadanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...