Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey dilalka al shabaab ee dadka rayidka ah.

Date:

Muqdisho, August 5, 2018  (SNTV):-isusoo bax ballaaran oo loogasoo horjeedo dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada muqdisho ayaa maanta ka dhacay muqdisho.

Isusoo baxaan oo ay soo qabanqaabiyeen ururada dhalinyarada ee gobolka banaadir ayaa waxaa loogasoo horjeeday falalka dilka ee kooxda argagaxisada ee  alshabaab ay la beegsato dadka waxgalka ah, gaar ahaan dilka loogeystay wiil dhalinyarada ah oo u ololeyn jiray arimaha bulshada.

Dhalinyarada oo isugu jira rag iyo dumar, ayaa waxaa ka muuqatay shucuur iyo dareen naxdin le, waxaana madaxda ay kusoo xirteen calaamado cad cad, oo ku doonayaan in nabad galo la helo. waxaana ay wateen  boorar ay qoranyihiin halkudhigyo muujinayo sida ay uga xunyihiin dadka rayidka   iyagoo  socod dheer kusoo mareen qaar kamid ah wadooyinka muqdisho gaar ahaan wadada Makkal al mukaramah.

Maxaa loo dilay? iyo cadaalad ayaan u baahannahay,Qofki maanta i dilaa, barrina adiga ayuu ku dilaa,iyo ereyo kale ayaa ku qornaa boorarka ay wateen

Gudoomiyaha ururka midowga dhalinyarada soomaaliya Munna xasan maxamed oo loo yaqaano Muna Axlaa oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in sababta ay isugusoo baxeen maanta ay tahay sidii ay uga dhiidhin lahaayeen falalka dilka ee marwalba loogeysto dadka muhiimka u ah bulshada, iyo sidii ay u muujin lahaayeen sida ay uga xunyihiin arintan, waxayna ugu baaqday dowlada somalia inay gacan ka geysato sidii cadaalada loo horkeenni lahaa koxa caadeystay daadinta dhiigga dadka soomaaliyeed.

Ma ahan isusoo bixi ugu horeeyey ee muqdisho kadhaca oo loogasoo horjeeda dilalka qorsheysan ee  kooxaha argagaxisada ay bulshada la beegsadaan, waxaana uu kusoo beegmayaa iyadoo maalmihi ugu dambeeyey ay magaalada muqdisho ka dhaceen dilal loogeystay dad isugu jira ciidan iyo shacab.

kooxda argagaxisada ah ee alshabaab oo caadeysatay banneynta dhiigga dadka muslimiinta ayaa sheegata masuuliyada dilalkaas, waxaase haatan ay muuqataa sida shacabka soomaaliyeed ay ugu midoobeen islamarkaana ay uga dhiidhinayaan falalka guracan iyo dhibataada kooxdan ay ka waddo wadanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar 

Muqdisho, Arbaco, 18 Febraayo 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Qalab Casri ah Kala Wareegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...