Al-Shabaab oo Qof Sujuudda Salaadda ku jira dilay

Date:

Kooxda Argagaxisada Al-Shabaab ayaa  xalay dilay qof Muslim ah oo ku tukanayay Masaajid ku yaala Degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Falkaan ay gaysatay kooxda Al-Shabaab ayaa ah mid aad uga fog diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida. wuxuuna ka dhiganyahay in ay kooxdaani diidantahay gudashada waajibka Salaada oo ah Rukniga Labaad ee Islaamku ku dhisanyahay.

Falkaan gurracan oo ay gaysatay kooxda Al-Shabaab ee ku abtirsato ururka argagaxisada ee Al-Qaacidda ayaa muujinayo in aysan waxba ku kala duwnayn Daacishta iyo Al-Shabaab ka Soomaaliya.

Garabka Al-Qaacidda ee dalka Yaman ama Afgaanistaan uma gaystaan dil Muslimiinta ku guda jiro Salaada taasoo tilmaamayso in kooxda Al-Shabaab ay yihiin argagaxisada aduunka ugu khatarta badan ayna ku gumaadaan dadka muslimiinta ah iyagoo gudanayo waajibka Salaada.

2013 ururka argagaxisada Al-Qaacidda ayaa faray laamihiisa ku firirsan aduunka in aan la beegsan karin Masaajidda iyo Suuqyada. Laakiin Al-Shabaab ayaa ah koox ku caadaysatay gumaad aan kala sooc laheeyn.

Horay ayay kooxda Al-Shabaab u qodeen Qabuuro Cullimada laga soo bilaabo 2008. Sidoo kale, Masaajid  waxay ku dhax dileen Shiikh C/qadir Nuur Faarax sanadkii 2013. waxayna gumaadeen Dhaqaatiir Soomaaliyeed iyo dad bir ma gaydo ah.

Falkaan ay kooxda Al-Shabaab ka gaysatay xalay Masaajidka dhaxdiisa, ayaa ujeedkiisu yahay in aan lagu dukan Masaajidda lana oogin Rukniga Islaamiga ah ee Salaada.

Culimada Soomaaliyeed ayaa marar badan ka hadlay dhaqanada xun xun ee Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan Dadka Muslimiinta ah iyagoo adeegsanaya Magaca Diinta Islaamka.

Sidoo kale Culumada Al-Azhar Al-shariif ee Dalka Masar, oo ah Xarunta Diimeed ka ugu caansan Caalamka Islaamka ayaa dhowaan soo saartay Fatwo iftiimineysa sida argagixisada Al-shabaab ay u baal marsan yihiin Diinta Islaamka, kuwaas oo caadeystay daadinta Dhiigga Muslimiinta iyo ku been abuurashada Diinteenna suubban.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...