Wasiirka Maaliyadda XFS oo shaaciyay in loo tartamayo xilka Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka

Date:

Muqdisho (SNTV), Markii ugu horeysay ayaa wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxa uu ku dhawaaqay in loo tartamayo xilka Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka oo laf dhabar hormarinta dhaqaalaha dalka

Wasiir Beyle waxa uu warbaahinta Qaranka u sheegay in xilkan oo muhiim ay doonayaan in loogu tartamo si siman.

“ xilka guddoomiyaha Bangig dhexe ee dalka xil weyn weeye, waa qalbigii waddanka cidii soo heyn jirtay meel fiican bay soo gaarsiisay hada waxa la damcay in la xayaysiiyo oo la doono dad u qalma cidey doonto hanoqotee oo dalka nagala saari kara rakada maanta uu ku jiro sidaas ayaana la goostay “ ayuu yiri Wasiir beyle.

Shuruudaha ku xeeran tartamayaasha xilka Gudoomiyaha waxa ka mid ah inuu haysto shahaado jaamacadeed oo la xiriirrta dhaqaalaha iyo xisaabaadka leeyahay qibrad shaqo oo 12  sano kana soo shaqeeyay Bangiyada ama hey’adaha dhaqaalaha ee caalamka .

Waxyaabaha kale laga doonayo qofka raba qabashada xilkani waxa ka mid ah inuu leeyahay hogaamin iyo xiriir wanaagsan,.

Waxaa horyaala dhisida hey’adaha bangiga, lacagta cusub ee dalku yeelanayo iyo waxbyaaba kale oo muhiim.

Maxamed Xasan Doob waaa aqoon yahan falanqeeya arrimaha dhaqaalaha waxa uu tilmaamay in ay aad muhiim u tahay in loo tartamo guddoomiyaha bangiga dhexe ee dalka.

“ runtii aad ayaan u soo dhaweynaynaa in loo tartamo xilka guddoomiyaha bangiga dhexe waxay aheed arin ay dadka aqoonyahanada iyo xirfadleyd dhaqaalaha ay muda ku taamayeen,” ayuu yiri aqoonyahan Doob

Ilaa iyo 28 ka bishaan aanu ku jirno ee agoosto ayay soconaysa qabashada araajida murashaxiinta doonaya inay u tartamaan xilka guddoomiyaha bangiga dhexe iyada oo qorshuhu yahay in ugu dambeyn bisha 11 ee November tartan loo siman yahay inuu ku soo baxo gudoomiyaha bangiga dhexe .

Aqoonyahanada taxliiliaya dhaqaalaha iyo maamulka wanaaga ayaa qaba in talaabadani ay tahay mid weyn oo ay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya u qaaday daah furnaanta waxaana ay muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda federaalka hagaajinta maamulka Maaliyadda Soomaaliya.

waxaa qoray Cabdishakuur Cali Axmed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...