Duqa Muqdisho “Muqdisho waa Caasimadda Afrika ugu horreysa Xoriyadda Hadalka”

Date:

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayey muuqaal baahiye Cusub oo kusoo biiray Telefashinada dalka ka jira,  ayaa ku boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed maalgashiga mugga weyn ee ay ku sameynayaan Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xarumaha warbaahinta ee ku soo kordhaya Gobolka Banaadir ay markhaati muuqda u yihiin hannaanka dimquraadiyadda iyo xuriyatul qowlka ee ka jira Gobolka.

“Saxaafaddu waa indhaha bulshada, waxaa waajib ku ah in ay mudnaanta siiyaan soo gudbinta baahiyaha iyo dhibaatooyinka ay qabaan bulshadu, iyadoo maanka lagu hayo ilaalinta midnimada, wada jirka iyo xasilloonida shacabka, maadaama magaalada Muqdisho ay tahay Caasimadda Afrika ugu horreysa Xoriyadda Hadalka.”

Guddoomiye Yarisow ayaa kula dardaarmay warbaahinta ka hawl gasha Gobolka Banaadir in ay dadaal dheer geliyaan faafreebka iyo turxaan bixinta xogta ay u gudbinayaan bulshada, iyadoona laga fogaanayo baahinta macluumaadka aan xaqiiqada ku saleysnayn.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu si buuxda u damaanad qaadaya ilaalinta xornimada saxaafadda annagoo ka duuleyna xuquuqda dastuuriga ah iyo sharciyada dalka u dagsan, waxaana naga go’an in aan kor u qaadno tayada suxuufiyiinta si Ay u tabiyaan Warar iyo Barnaamijyo la hubiyey xaqiiqda dhabta ah” Ayuu yiri Eng.Yarisow

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...