Duqa Muqdisho “Muqdisho waa Caasimadda Afrika ugu horreysa Xoriyadda Hadalka”

Date:

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayey muuqaal baahiye Cusub oo kusoo biiray Telefashinada dalka ka jira,  ayaa ku boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed maalgashiga mugga weyn ee ay ku sameynayaan Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xarumaha warbaahinta ee ku soo kordhaya Gobolka Banaadir ay markhaati muuqda u yihiin hannaanka dimquraadiyadda iyo xuriyatul qowlka ee ka jira Gobolka.

“Saxaafaddu waa indhaha bulshada, waxaa waajib ku ah in ay mudnaanta siiyaan soo gudbinta baahiyaha iyo dhibaatooyinka ay qabaan bulshadu, iyadoo maanka lagu hayo ilaalinta midnimada, wada jirka iyo xasilloonida shacabka, maadaama magaalada Muqdisho ay tahay Caasimadda Afrika ugu horreysa Xoriyadda Hadalka.”

Guddoomiye Yarisow ayaa kula dardaarmay warbaahinta ka hawl gasha Gobolka Banaadir in ay dadaal dheer geliyaan faafreebka iyo turxaan bixinta xogta ay u gudbinayaan bulshada, iyadoona laga fogaanayo baahinta macluumaadka aan xaqiiqada ku saleysnayn.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu si buuxda u damaanad qaadaya ilaalinta xornimada saxaafadda annagoo ka duuleyna xuquuqda dastuuriga ah iyo sharciyada dalka u dagsan, waxaana naga go’an in aan kor u qaadno tayada suxuufiyiinta si Ay u tabiyaan Warar iyo Barnaamijyo la hubiyey xaqiiqda dhabta ah” Ayuu yiri Eng.Yarisow

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo...