Hal qof ayaa kudhintay laba kalena way kudhaawacmeen qarax goordhaweyt kadhacay magaalaa buuhoodle ee gobolka cayn.
Sida dad goobjoogayaal ay warabaahinta qaranka usheegeen, Qaraxa waxaa geystay qof isasoo miidaamiyey kaasoo beegsaday gaari ay saarneeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland ee degmada buuhoodle.
Dadka kudhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay ispitaalka degmada buuhoodle.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo uwaramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qaraxa ay ka argagaxeen, maadaama aysan ubaran dhawaaqa qaraxyada.
Majirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyada qaraxa kadhacay magaalada buuhoodle, waana markii ugu marki ugu horeysay uu qaraxa sidaan oo kale kadhaco magaaladaas.