Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ku khaarijiyay maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal katirsan Kooxda nabad diidka ee Al-Shabaab. “Sawirro”

Date:

01, Aug, 2018, Muqdisho (SNTV) Ciidamada ย Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta ee Maamul gobolleedka Jubbalandd oo qaaday howlgallo kadhan ah Xarumaha iyo saldhigyada maleeshiyaadka daacadda u ah nabad diidka Al-shabaab ee gobolkaasi Jubada Hoose halkaasi oo ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Kuwa Daraawiishta Jubbaland ay ku guulleysteen in ay burburiyaan xarumihii ay ku dhuumaalaysanayeen Maleeshiyaadka Al-shabaaab.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Kuwa Draawiishta ayaa ka fulliyay deegaanka Buulo-Xaajo oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta maamul gobolleedka Jubaland halkaasi oo lagu soo waramayo in ay ku khaarijiyeen ugu yaraan 7-isagu jirta horjoogayaal iyo maleeshiyaad kuwaasi oo daacad u ah Kooxda Arxanka daran ee Nabad diidka AL-shabaab.

Korneel Cali Goosaar oo kamid ah saraakiisha ย hogaaminaysay howl galkan ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji ayaa ugu waramay Warbaahinta qaranka guulaha ay ka gaareen howlgalka ka dhanka ahaa Al-shabaab.

โ€œWaxaa gutada 1-aad ee Darwiishta ay burburisay saldhig cadowga uu ku lahaa Buula Xaaji,meydadka ad arkaysaan waa taliyahooda saldhig iyo guddoomiyahoodii tuuladda, anaga wax khasaare ah nama soo gaarin al-xamdulilaah,dhimashadooda waa todobo, si nabad ah ayaa howshu ku fushayโ€. Ayuu yiri Col. Cali Goosaas.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa ah kuwa awooddii la wiiqay kadib markii ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii xoojiyeen beegsiga lagu hayo maleshiyada Alshabaab, gaar ahaan qeybo kamid ah gobolada Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...