Dhul gariir waxyeelo ba’an geystay oo Indonesia ka dhacay

Date:

Ugu yeraam 10 ruux ayaa ku dhimatay dhul gariir xoogan oo ku dhuftay jaziirad caan ku ah dalxiika oo ku taala wadanka Indonesia.

Dhul gariirkan oo cabirkiisu yahay 6.4 magnitude oo ah hal beega dhul gariirada ayaa ka dhacay jaziirada Lombok oo dhacda bartamaha wadankaas subaxnimadii hore maanta oo Axad ah.

Jaziirada uu ka dhacay dhul ruxanka ayaa ah meel si weyn u soo jiidata dalxiisiyaasha caalamka, waxayna  qiyaastii 40km dhanka bari ka xigtaa jaziirada kale ee caanka ah ee Bali.

Dhismiyaal badan ayaa burburey, iyadoo daraasiin dad ah dhaawacyo soo gaartay, sida saraakiisha deegaanka laga soo xigtay.

Hey’adda Mareykan ah ee ka faaloota arrimaha dhul gariirada ayaa sheegtay in xudunta dhul gariirkan ay tahay meel 50km u jirta magaalada Mataram oo ku taala waqooyi beri ee Jaziirada Lombok.

Sidoo kale, waxaa la soo wariyay in dhul gariir ka yar uu ka dhacay qeybo kale ee  wadanka Indonesia.

Ku dhowaad 40 ruux ayaa dhaawacantay halka daraasiin guriyo ah ay burbureen, sida uu sheegay  Sutopo Purwo Nugroho, oo ah afhayeenka hey’adda maareynta musiibooyinka wadankaas.

“Waan qiyaasaynaa tirada waxyeelada, waxaana laga yaabaa in ay sii kororto waayo tirada si sax ah looma aruurin,”  ayuu yiri.

“Shaqada ugu weyn waa in la soo daad gureeyo dadka si loo badbaadiyo. Qaar kamid ah dadkii dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa xarumaha caafimaadka.”

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya burburka guriyaha iyo qashin badan oo daadsan waddooyinka.

Dalka Indonesia waa meel u nugul dhul gariirada maadaama ay tahay dhul fidsan isla markaana ay ku wareegsan tahay Badda Pacific, taasi ayaana keenta in si joogto ah ay ugu dhacaan dhul gariirada, qaraxa Fulkaanooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Cali Xoosh oo kulan la yeeshay Odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo o

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda...

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuumad Luul Jeeylaani Cali

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud...

Ciidamada Xoogga Dalka oo bur buriyay xarumo Khawaarijtu ku dhibaateyn jireen shacabka

Ciidanka Ururka 95-aad Guutada 9aad Qaybta 60aad Ciidanka Dhulka...