Muqdisho (SNTV) Maleeshiyo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay fiidkii isku dayey in ay weerar ku qaadaan fariisimo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybtooda ka howl-gasha gobolka Shabeelaha-Dhexe ku leeyihiin deegaanka Qalimow oo u dhaxeeya Degmooyinka Jowhar iyo Balcad balse waxaa ka hortgay Ciidanka Daraawiishta kuwaas oo sidoo kale u geystay qasaaro badan.
Maleeshiyada ayaa markii ay isku dayeen in ay dib u laabtaan waxay la kulmeen duqeymo dhanka Cirka ah taas oo looga bur-buriyey labo gaari oo ay wateen.
Warar kale ayaa sheegaya in duqeynta ay uga dhinteen Maleeshiyo badan kuwaasi oo saarnaa Gawaarida duqeynta lala beegsaday.
Horay Xarumo Ururka Al Shabaab ku lahaayeen meelo kamida Gobolka Sh. Dhexe ayey isaga guureen kadib markii dagaallo xoogan kala kulmeen Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.