Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ku dhawaaqdey dib u howlgelinta  dhismaha hey’adda  Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Date:

 

Hay’addaan ayaa   ka hortagaysa  Badeecadaha khatarta ku ah Caafimaadka dadka iyo deegaanka,  sidoo kale  soo dajinta  iyo isticmaalka  Badeecadaha dhacay ama tayadeedu Liidato si loo ilaaliyo badqabka  caafimaadka  dadka  Soomaaliyeed.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)   ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey muhiimadda Ganacsiga iyo guud ahaan Dalka u leedahay hey’adda Tayo-dhowrka  Badeecadaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa  uu magacaabay  5 xubnood hey’adda Tayo-dhowrka iyo badqabka Badeedaha Dalka soo gala.

 Xubnaha Guddiga  Tayo dhowrka Soomaaliyeed waxay kala yihiin

1:  Guddoomiye  Aadan Xasan Barre

2:  Cabdillaahi  Salad Xasan    Xubin

3: Ibraahim Naxamed Xasan   Xubin

4: Fartuun Siidow  Macalin Cabdi   Xubin

5: Cabdi Saqaawe Cismaan  Xubin

Dhinaca kale wasiir Maareeye ayaa sharraxaad ka bixiyey xeerka ay ku shaqeyneyso hey’adda Tayo-dhowrka.

Hey’addaan ayaa hoostageysa wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxa ay xarumo kala duwan ku yeelan doontaa dhammaan gobollada Dalka, si sare loogu qaado Tayada waxyaabaha Dalka ka soo gala Dekedaha, Garommada iyo Xuduudaha Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...