Shir looga hadalayo Waxbarshadda dalaalka soo koraya oo muqdisho kafurmay

Date:

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada Muqdisho ku daah furay shir looga hadlayo Waxbarashadda dalalka soo koraya oo ay kamid tahay Soomaaliya, waxaana ka qayb galaya Wasaaraddaha kala duwan ee dowladda, qaar ka mid ah Safiiradda dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya, Maamul Goboleedyada Dalka iyo Qeybaha kala duwan ee bulshadda rayidka ah.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamal Maxamed Xasan oo qudbad ka jeediyay shirka hada socda oo si gaara diirada loogu saarayo waxbarashada iyo tayeynta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sheegay Baaritaan ay sameysay Wasaaradda Qorsheynta in lagu ogaaday 40/% ay dadka wax qori karaan.

”Baaritaan ay sameysay Wasaaradda Qorsheynta waxaa lagu ogaaday in 40% oo kaliya ay wax qori karan waxna aqrin karaan dadka Soomaaliyeed halka 20% oo kaliya ay dadka Soomaaliyeed gaareen heerka waxbarashada ee Jaamacadda”.ayuu yiri Wasiirka.

Dadka Soomaaliyed ayaa intooda ugu badan waxay fursad u heli karaan in ay waxbartaan sidaas darteed 2020 qorshaha Qaranka waxaa ku jiro in tirada dadka Soomaaliyeed ee wax qori kara waxna Aqrin kara la gaarsiiyo halka ugu sareyso sida uu sheegay Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya

wixii faahfaahin ah waxad kala socoon doontan waraarkayaga danbe.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...