Ciidanka ammaanka oo ka hortagay weerar ay Al-shabaab ku soo qaadeen Baar-sanguuni.

Date:

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig ay ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo ka tirsan Jubbaland ay ku leeyihiin Baar-sanguuni oo ah duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, balse weerarkaas ayay ciidamadu si feejigan kaga hortageen.

Maleeshiyada oo adeegsatay ilaa 3-gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyey ayaa doonayey inay qabsadaan saldhigaas, balse ciidamada halkaasi ku sugnaa ayaa ka hortagay, waxaana lagu jabiyey weerarkii ay soo qaadeen sida uu inoo soo tabiyey Wariyiyaha warbaahinta Qaranka ee gobolkaasi.

Dagaal in muddo ah socday ayaa ka dambeeyey qaraxyada, kaas oo sababay in Maleeshiyada la baacsado, lagana reebto hub iyo saanad ciidan.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa maleeshiyada weerarkaasi ka soo gaartay, balse saraakiisha ciidamadu wali si faahfaahsan kagama hadlin.

Wixii warar ah ee ku soo kordha, kala soco www.sntv.so 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...