Madaxweynaha oo faray laamaha ammaanka in ay dib u habayn ku sameeyaan istaraatiijiyadda sugidda amniga caasimadda

Date:

Muqdisho, Luuliyo 22, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay waajib ku tahay fududeynta dhaqdhaaqa iyo ganacsiga bulshada, iyagoona sii joogteynaya dadaallada ay ku sugayaan nabadgelyada caasimadda.

Madaxweynaha oo guddoominayay shirka toddobaadlaha ah ee amniga ayaa warbixinta amniga guud ee dalka ka dhageystay hay’adaha ammaanka, waxa uuna ku adkeeyey inay iskaashi iyo isdhexgal buuxa la sameeyaan shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay guulihii muhiimka ahaa ee ay laamaha amnigu soo hoyeen 6-dii bilood ee horraanta sanadkan, taas oo ay ka mid ahayd ka hortagga dhibaatooyinka iyo qaraxyada ay argagixisada Alshabaab u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo baaq u diray shacabka ayaa yiri “Waan dhegaysannay cabashadiina, dib ayaana u furnay waddooyinkii u xirnaa xaaladaha amni, waxaana idinku baaqayaa inaad la shaqeeysaan laamaha ammaanka. Haddii aad aragtaan qolyahan argagixisada ah oo xaafadaha ku dhex dhuumanaya ama qof aad ka shakisaan waa in aad soo war-gelisdaan ciidammada.”

Sidoo kale, Xubnaha Guddiga Amniga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoona bogaadiyey guulaha isadaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo uu ugu horreeyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Amniga, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Kusimaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir K/Xigeenka, Taliyeyaaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...