Golaha deegaanka Minnesota oo soo saaray qaraar lagu dalbanayo joojinta colaadaha u dhexeya Soomaalida iyo Oromada Itoobiya

Date:

Muqdisho(SNTV):–Iyadoo dalka Itoobiya ay ka socdaan rabshada u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa Qaraar ay soo saareen Golaha Deegaanka ee Magaalda Minneapolis ee Dalka Mareykanka, uuna ku saxiixnaa Duqa magaalada Jacob Frey, waxa uu ugu baaqay dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Dr. Abiy Axmed inay joojiso colaadda u dhaxaysaa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee dalkeeda, sidoo kalena ay ilaaliso amniga, hantida iyo xuquuqda aadanaha ee bulshooyinka labada qowmiyadood oo dhawaanahaan ay dagaallo ku dhexmarayeen deegaanno ka tirsan Wadankaasi.

Cabdi Warsame oo ah xubin ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis oo isagu qaraarkan horkeenay Golaha, ayaa u waramay VOA,wuxuuna sheegay in ujeedka uu yahay sidii looga hortagi lahaa sii socoshada rabshadahaasi oo saameeyey wadanoolaanshiyaha bulshooyinka labada dhinac.

“Waxaan soo saarnay qaraar ku saabsan sidii loo joojin lahaa colaadaha udhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada,kuwaasi oo in muddo ah u soo halgamayay in ay gaaraan hiigsigooda,hadda maadaama uu jiro isbedel siyaasadeed,hadana waxaa soo baxaya colaado ka dhacay deegaano ay kamid yihiin Mooyaale iyo meelo kale,marka qaraarkan waa uu gaari doonaan ra’iiusl wasaaraha Itoobiya iyo dowladda Mareykanaka,halkana mareykanka waxaa kunool Soomaali iyo Oramo oo wada nool oo wada dhaqmaya,marka waxaan rabnaa in raiiusl wasaaraha uu ogaado dareenkayna”. Ayuu yiri Cabdi Warsame.

Dhawaan Wafdi uu hoggaaminaya Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inuu 30ka bishan July booqasho ku tago magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Mareykank,halkaasi oo uu ka socdo diyaar garow ku aadan soo dhaweyntiisa.

Gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka waxaa uu ka mid yahay meelaha ay ku noolyihiin Qurbbajoogta u badan ee labada qowmiyadood,taasi oo micnow weyn ku fadhisa marka loo fiiriyo booqashada raiisul wasaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...