Lixkun oo Siiriyaan ah oo laga daabulayo magaalooyinka Faawa iyo Kefraaya maanta

Date:

Muqdisho (SNTV) Ugu yaraan  lixkun oo Siiriyaan ah oo horey ugu noolaa magaalooyinka Shiicada ee Faawa iyo Kefraaya ayaa loo masaafurin doonaa deegaanada ay dowladda gacanta ku hayso dowladda Siiriya.

Daraasiin basas ah ah ayaa arbacada maanta galay labo magaalo oo ay deganaayeen dad daacad u ah dowladda kuwaasi oo kuyaala gobolka waqooyi galbeed ee Idlib, halkaasi oo ay hareereeyeen jabhadda, arintani ayaa qayb ka ah heshiis lagu masafurinayo dadkan si loo geeyo deegaannada ay maamusho dowladda Siiriya, sida ay qortay wakaaladda wararka Siiriya ee SANA.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa qortay in warkan ay ka heleen taliyaha isbahaysiga ee gobolka oo taageera madaxweyne Bashar al-Assad. “maxaan ka yeelnaa dhulkeena iyo hantideena? Alla mgaaladii aan ku dhashay,” 42-sano jir ayaa laga soo xigtay hadalkan kaasi oo ay wakaaladdu magaciisa qarisay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...