Obama Oo ugu baaqay Madaxda Kenya in la joojiyo khilaafyada xagga qabaa’ilka ee ka dalkaas kadhaca

Date:

Madaxweynihii hore ee waddanka Mareykanka Barack Obama ayaa ka dhoofay caasimadda Kenya ee Nairobi, kaddib markii uu soo gabagabeeyey safar labo maalmood qaatay oo uu ku tagay dalkaas.

Obama ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha Kenya, in ay ka shaqeeyaan horumarinta Kenya isla markaana ay joojiyaan kala qeybsanaanta dhinaca siyaasadda,Isagoo sidoo kale ku baaqay in lala dagaallamo musuqa-maasuqa

Obama ayaa la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaraadka Raila Odinga isagoo kala hadlay sidii loo joojin lahaa khilaafyada xagga qabaa’ilka ee ka dalkaas kadhaca.

Waxana deeganka  aabihii uu ka soo ee ku yaalla  Kogelo uu ka furay iskuul ay carruurtaas deegaankaas wax kubartaan.waxaa uu sidoo kale halkaas   ka furay xarrun Sports taasoo leh garoon kubadda cagta iyo mid kubadda gacanta ah, wuxuuna sidoo kale bixiyey agab Sports.

Shaashado waaweyn ayaa lagu rakibay tuulada K’Ogelo halkaasoo dadweyne fara badan ay toos ugala socdeen xafladda furitaanka xarrunta Sports.

Mr. Obama ayaa markii ugu horresay booqday tuulada K’Ogelosannadkii 1987-dii, xilligaas oo uu ahaa nin dhallinyaro ah oo u ololeeya arrimaha bulshada.

Obama ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee madow ah oo madaxweyne ka noqda Mareykanka, isagoo sideed sanno madaxweyne ka ahaa dalka Mareykanka, waxana  xilka  ka beddelay  Donald Trump doorashadii dalkaas ka dhacday bishii November 2016.

Waa safarkiisii afaraad ee Obama uu ku tago Kenya, waxa uu markii ugu horreysay ka tagay sannadkii 1987, isagoo sidoo kale tagay sannadkii 2006 iyo sannadkii 2015 xilligaasoo uu Ahaa Madaxweynaha mareykanka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...