Masar oo Meel marisay Sharci ogolaanaya inay Dhalasho bixiso

Date:

Dawladda Masar ayaa soo saartay sharci cusub oo dadka Ajnabiga ah u
ogolanaya inay qaataan dhalashada dalkaas, hadii ay maalgashi samayn
karaan.

Baarlamanka dalka Masar ayaa meel mariyey xeerkan oo dadka Ajnabiga ah
u ogolaanaya inay dalban karaan dhalashada Masar, hadii ay Bangiyadda
dalkaasi dhigtaan lacag garaysa 400 oo Kun oo Doller.

Xeerkan waxaa ku jira in qofka Ajnabiga ah ee dhalashada Masar
dalbanaya in uu 5-sano hore u daganaa dalka, lacagta Bangiga u taalna
aysan ka yarayn 7-Milyan oo lacagta dalka Masar ah.

Arrintan waxaa looga gol leeyahay in sare loogu qaado maalgashiga
dalka Masar, laguna soo jiito hantiilayaasha ajnabiga ah, si
dhaqaalohooda looga faa’iido.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...