Madaxweyne Farmaajo “Waxaa naga go’an in aan beegsanno talada saxda ah, annaga oo shacab iyo dowladba wada soconna.”

Date:

Brussels, Belgium, Luuliyo 17, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeeyb qaatay guddoominta Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyed ay maanta haystaan fursad taariikhi ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hor-u-socodka dalka, taas oo dhabaha u xaareysa in la gaaro himilooyinka shacabka.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in miraha Shirkii Iskaashiga Soomaaliya ee Muqdisho lagu qabtay Diseembar 2017-kii, ay ka mid ahayd qorsheyaasha lagu hormarinayo siyaasadda loo dhan yahay, kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta laamaha amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“In la tixgeliyo oo la dhiirigeliyo rabitaanka Soomaaliya waxay na siinaysaa awood iyo kalsooni. Waxaan ogsoonnahay in aan si degdeg ah lagu xallin karin dhammaan caqabadaha ka jira Soomaaliya, laakiin qorsheyaal wax ku ool ah, shaqo hufan iyo qiimeyn joogto ah ayaa loo baahan yahay si loo gaaro natiijooyin la taaban karo. Waa in aan marnaba la oggolaan in la wiiqo geeddi-socodka, wadashaqeynta, xasilloonida, isla-xisaabtanka iyo horumarinta Soomaaliya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale tilmaamay horumarka ay dowladdu ka samaysay kordhinta dakhliga oo qayb ka ah qorshaha deymaha lagaga cafinayo Soomaaliya, xoojinta amniga iyo diyaarinta hannaanka dimuqraadiyadda doorashooyinka 2020-ka.

“Dadaalladaas idilkood waxaa udub dhexaad u ah in dhammaanteen aan si buuxda kaalinteenna uga qaadanno dowlad-dhiska iyo hirgalinta ajendayaasha ina horyaalla, innaga oo dhanka kale xoojinayna wadashaqeynta aan la leennahay beesha caalamka iyo bah-wadaagta kale.”

Madaxweynaha oo bogaadiyey wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowladda Goboleedyada dalka ayaa sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi.

“Madaama aan nahay dal ka soo kabanaya dagaallo sokeeye, waxaa naga go’an in aan beegsanno taladda saxda ah, innagoo shacab iyo dowladba wada soconna. Ma jiro, mana jiri doonto qof Soomaali ah oo laga tagayo ama laga xigsanayo gaarista horumarka aan higsanayno.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa guddoomiyey shirka ganacsatada, isagoona ka jeediyey khudbad uu ku boorriyey ganacsatada iyo maalgashadeyaasha in ay kaalintooda ka qaataan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaatay wakiillo ka socda haweenka, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Sweden Marwo Margot Wallström, Wasiirka Socdaalka dalka Canada, Mudane Axmed Xuseen iyo masuuliyiin kale.

Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobjoog ku ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Midowga Yurub Federico Mogherini, Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda Rosemary Diclo iyo Ergada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ururradda Bulshada Rayidka, Safiirro iyo Wakiillo ka socday qaar ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...