Muqdisho (SNTV), Wasiirka Wasaaradda Difaaca Xukuumadda federaalka Soomaaliyeed, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) , taliyeyaasha ciidanka qalabka sida, xoghayaha guddiga difaaca golaha shacabka iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer qiimeyn ah waxa ay ku sameeyeen qaar kamid ah xeryaha ciidanka xoogga dalka oo dib u dhis lagu sameyn doono.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, sareeyo gaas C/weli Jaamac Gorod oo deegaanka Carbiska kula hadlay askar ka tirsan qeybta 12-ka April oo halkaas fadhiisan ku leh ayuu u sheegay in aan la oggolaan Karin in shacabka la dhibaateeyo.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), Xoghayaha guddiga Difaaca golaha shacabka xildhibaan Sadiiq Warfaa iyo taliyaha ciidanka asluubta sareeyo guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sidoo kale hadal goobaabo ah u jeediyay ciidankaasi.
Hindisaha qorshaha lagu dhisayo dhammaan xeryaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa hormuud u ah wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), waxaana uu faahfaahin ka bixiyay u jeedada kormeerkooda maanta.