Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda

Date:

Muqdisho, July 03, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer hawleed ku tegay wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay wasiir Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo uu kala hadlay dardar gelinta shaqada wasaaradda iyo qorshaha kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa intii kulanku socday waxa uu Ra’iisul Wasaare Khayre uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dhanka maaliyadda laga gaaray iyo meesha ay marayaan arrimaha cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirka faray in uu laba jibbaaro dadaalka ay wado ee qorshaha cafinta deymaha lagu leeyahay dalka si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah Soomaaliya in ay dhaqaalaha ka gaarto horumar la taaban karo.

Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha kor-joogteynta ee Ra’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

Cafinta deynta waxa ay Soomaaliya u horseedaysaa horumar dhan walba ah iyo maal-gelin ay dalka ku samaystaan dalalka adduunka taas oo soo kordhinaysa shaqo abuur iyo in laga dhabeeyo himilada ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...