Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda

Date:

Muqdisho, July 03, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer hawleed ku tegay wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay wasiir Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo uu kala hadlay dardar gelinta shaqada wasaaradda iyo qorshaha kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa intii kulanku socday waxa uu Ra’iisul Wasaare Khayre uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dhanka maaliyadda laga gaaray iyo meesha ay marayaan arrimaha cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirka faray in uu laba jibbaaro dadaalka ay wado ee qorshaha cafinta deymaha lagu leeyahay dalka si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah Soomaaliya in ay dhaqaalaha ka gaarto horumar la taaban karo.

Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha kor-joogteynta ee Ra’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

Cafinta deynta waxa ay Soomaaliya u horseedaysaa horumar dhan walba ah iyo maal-gelin ay dalka ku samaystaan dalalka adduunka taas oo soo kordhinaysa shaqo abuur iyo in laga dhabeeyo himilada ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...