Muritaaniya oo hambalyo u soo dirtay Shacabka Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho(SNTV);- Soomaaliya ayaa xuseysa maanta  58 sano guuradii kasoo wareegatay markii ay gobonimada ka qaadatay Gumeystaha, arrintaasi awgeed Dowlado badan oo Caalamka ah ayaa tahniyad usoo diray Soomaaliya, waxaana ka mid ah Murataaniya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Muritaaniya Sayid Maxamed Walad Cabdicasiis ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo munaasabadaan awgeed.

“Mudane Madaxweyne, Saxiib, aniga oo ku hadlaya Magaca Xukuumadda iyo Shacabka Muritaaniya, , waxaan idin kugu hambalyeenayaa farxada maanta, caafimaadkiina iyo horumarkiina, waxaana idiin rajeynayaa baraare” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu xaqiijiyay in ay sii wadayaan xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya labada Dal ee u adeegaya danaha labada Shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Murataaniya.

Dowlado badan oo Caalamka ah ayaa hambalyo taasi la mid ah u diray Madaxda iyo Shacabka Soomaaliya oo ay ka mid tahay Mareykanka.

Maxamed Cali Axmed Rooraaye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...