Michael Keating oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda 1-da Luulyo

Date:

Muqdisho, 1 Luulyo 2018 โ€“ย Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsanย Soomaaliya Michael Keating, ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada 58aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida dalkooda.

โ€œHambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhammaan dadka Soomaaliyeed, ee ku nool wadanka iyo dunida dacaladiisa,ย In kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay sii wajahayaan wali, haddana Soomaalida waxay ku faani karaan horumarka la sameeyay,โ€ ayuu yiri Mudane Keating. โ€œDabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad siyaasadeed iyo rajo badan oo laga qabo nabadgalyadda iyo mustaqbal wanaagsan.โ€

โ€œWaxaan si diirran u amaanayaa Madaxweynaha, Raโ€™iisul iyo dowladdiisaย inay ka goโ€™an tahay in ay dib u habeyn ku sameeyaan dhan kasta ha ahaato dhaqaalaha, amniga ama arimaha siyaasadeed, waxayna ku boorinayaan dhammaan hoggaamiyeyaasha, ha noqdaan qaybaha dadweynaha guud ama qaybaha gaarka ah, in ay la shaqeeyaan iyaga si ay u gaaraan natiijooyinka {Himilooyinka} dadka. Gaar ahaan Dhalinyartu waxay ka rajeynayaan hoggaamiyayaashooda waddankaย  shaqooyinka iyo fursaddo, xasilooni xag amniga ah iyo helitaanka adeegyada kale.โ€

โ€œWax badan ayaa laga guul gaaray 12 bilood ee lasoo dhaafay. Waxaa laga hortegay [inay dillaacdo] macluul soo fool lahayd,ย iyadoo la kordhinayo dakhliga iyo deeqaha,ย loo marayo sharciyo muhiim ah iyo iyado la cadeynayoย  xirirka shaqo ee ka dhaxeeya Xukuumadda federalka iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda, iyado ay sii dheertahay dib u eegista dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka, iyo dib u habeynta qeybaha amnigaโ€

โ€œWadada horteena ah waa mid aad u dheer, caqabadahuna waa in aan la dhayalsan, ugu yaraan awoodda burburinta rabshadaha xagjirnimada iyo khatarta khilaafka siyaasadeed iyo khilaafaadka kale waxay wiiqi doonaan dadaalada lagu doonayo in lagu gaaro natiijooyinย  faaโ€™iido u leh Soomaalida. Laakiin ajandaha ay dawladdu samaysay waa mid wanaagsan oo u qalma midnimada qaranka iyo taageerada caalamka waqtigan.

โ€œQaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay si dhow ula shaqaynayaan dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada si ay uga caawiyaan in ay gaaraan natiijooyinka, oo ay ugu muhiimsan yihiin Amniga, Shaqooyin iyo Adeegyada kale, iyo in la sameeyo arimahan si ay u xoojiso nidaamka sharciga, wadajirka iyo isla xisaabtanka. Qaramada Midoobay waxay u soo jeedineysaa sanad guuradan iyadoo u rajeyneysa midnimo dhammaan umadda soomaaliyeed sanadyada soo socda.โ€

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale