Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Lagu Soo Dhaweeyay Mourutania.

Date:

Nouakchott(SNTV):- –Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania Yahya Ould Hademine, ayaa magaalada Nouakchott ee caasimadda dalkaas kusoo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Midawga Afrika.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa Ra’iisul Wasaare Yahya Ould Hademine uga mahad celiyay soo dhaweynta Balaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa July 1-2, 2018 magaalada Nouakchott uga qeyb gelaya shir madaxeedka 31-aad ee Midawga Afrika oo looga hadlayo sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa si loo gaaro horumar ballaaran oo ay qaaraddu ku tilaabsato, iyada oo si gaar ah diiradda loogu saari doono furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Caqabadaha jira.

Kulan madaxeedka oo ka qeyb galayaan madaxda Afrika ayaa sidoo kale looga hadlayaa Qorshayaal Muhiim ah oo ay kamid yihiin dib u qaabeynta hey’adaha kala duwan ee ururka midawga Afrika, sidii loo heli lahaa Maaliyad lagu wado howlaha hor-tebinta leh ee Midawga Afrika, nabadeynta iyo amaanka qaaradda, horumarinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda (AfCFTA), sida qaaraddu ay mowqif mideysan uga qaadan laheyd wada xaajoodka Heshiiska Iskaashi ee u dhexeeya Afrika, Caribbean iyo Pacific (ACP) iyo meel marinta Miisaaniyadda Ururka Midawga Afrika ee 2019.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...