Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Lagu Soo Dhaweeyay Mourutania.

Date:

Nouakchott(SNTV):- –Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania Yahya Ould Hademine, ayaa magaalada Nouakchott ee caasimadda dalkaas kusoo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Midawga Afrika.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa Ra’iisul Wasaare Yahya Ould Hademine uga mahad celiyay soo dhaweynta Balaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa July 1-2, 2018 magaalada Nouakchott uga qeyb gelaya shir madaxeedka 31-aad ee Midawga Afrika oo looga hadlayo sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa si loo gaaro horumar ballaaran oo ay qaaraddu ku tilaabsato, iyada oo si gaar ah diiradda loogu saari doono furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Caqabadaha jira.

Kulan madaxeedka oo ka qeyb galayaan madaxda Afrika ayaa sidoo kale looga hadlayaa Qorshayaal Muhiim ah oo ay kamid yihiin dib u qaabeynta hey’adaha kala duwan ee ururka midawga Afrika, sidii loo heli lahaa Maaliyad lagu wado howlaha hor-tebinta leh ee Midawga Afrika, nabadeynta iyo amaanka qaaradda, horumarinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda (AfCFTA), sida qaaraddu ay mowqif mideysan uga qaadan laheyd wada xaajoodka Heshiiska Iskaashi ee u dhexeeya Afrika, Caribbean iyo Pacific (ACP) iyo meel marinta Miisaaniyadda Ururka Midawga Afrika ee 2019.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...