Madaxweyne Gaas”Waxaan u rajeynayaa umadda Soomaaliyeed horumar iyo midnimo waarta”

Date:

Puntland(SNTV) Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo  ku aadan Xuska sanad guurada 58-aad ee  1- Luulyo,  maalintaas oo ahayd maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, ayna midoobeen Gobolada Koonfur iyo Waqooyi  ee Soomaaliya.

Madaxweye ayaa ku tilmaamay maalintaas in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed,ayna ahaanayso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ka hormariso midnimadeeda wax walba.

Madaxweynaha oo ka hadlya qiimaha ay leedahay maalinta xornimada iyo midowga Soomaaliya ayaa waxaa uu yiri.

“Waxaan rabaa inaan halkaan tahniyad uga diro Shacabweynaha Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, maalinta 1- Luulyo ay kasoo wareegtay 58 sano curashadii Dowlad Soomaaliyeed, maalintii ay xoroobeen Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo ayadoo ku astaysan maalintii ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya, waxaana hambalyadaa u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, waxaan leeyahay meelkasta aad joogtaan ku ciida nabad galyo, midnimo, wadajir iyo Soomaalinimo, waxaan Alle ka rajeeynayaa in sanadkan sandkiisa kale aan ku gaarno Dowladdnimodeenii oo gaamurta, horumar Soomaaliyeed, midnimo Soomaaliyeed, wadajir Soomaaliyeed, Soomaaliya oo is cafida, Soomaaliya oo mid noqota, Soomaaliya oo sharafteedii iyo karaamadeedii dib ulasoo laabata, maalintaas waa maalin xusuus wayn ku leh qalbiga Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  sheegay inuu rajeenayo in marxalada ay ku sugantahay Soomaaliya mid ka duwan sandaha soo socda ay isku wareysan doonaan Insha Allaah..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Machadka Farsamada ee Ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi,...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...