Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo Ku Aaddan 1-da Luuliyo u Diray Shacabka Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho, 1-da Luulyo, 2018: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuskan oo lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in haddii facii naga horreeyay ay dhidibada u taageen qaran xor ah oo calan iyo cudud mideysan leh, kana tilmaamnaa Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba in dadka haatan joogana ay dib u yagleeli karaan qaran iyo dawladnimo ka qurux badan kuwii hore.

“Xuska maalmaha gobannimada, wuxuu na barayaa in haddii sidii uu dadkeenu shalay gacmaha isu qabsaday ee ugu hawl galay xaqiijinta himilada ummadda, haddii aan maantana gacmaha is qabsano in aan mustaqbal qurux badan oo aan ku faanno aan dhisan karno.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen.

“Waxaa xusid mudan in maanta ummadda Soomaaliyeed ay yeesheen dawlad sharaftoodii iyo karaamadoodii soo celinaysa, dawlad ku hawlan hirgelinta iyo xoojinta ammaankii iyo nabaddii dadka Soomaaliyeed in badan ka maqnayd, dawlad caalamka aqoonsi iyo kalsooni buuxda ka haysata, lana hubo in ay buuxinayso kaalintii Soomaaliya ay ku lahayd caalamka.”

Dhanka kale, gunaanadkii munaasabadda ayaa Madaxweynuhu waxa uu u istaagay calan saarka, isagoona salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida.

Munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye K/xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo Taliyeyaasha ciidammada,

Sidoo kale, waxaa munaasabaddan kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin, fannaaniin iyo saraakiil ciidan oo reer Jabuuti ah oo Muqdisho u yimid in ay farxadda la qeybsadaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...