Horjooge ka tirsan Kooxda Alshabaab oo isu-soo dhiibay Ciidanka Dawladda Soomaaliya

Date:

Kismaayo (SNTV),  Xuseen Maxamuud oo Kooxda Alshabaab dhexdeeda looga yaqaano Ramadaani, kana  mid ahaa Kooxda Alshabaab, ayaa isu-soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka Baarsanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xuseen, ayaa Argagixisada waxa uu u qaabilsanaa Aruurinta lacagaha baada ah oo kooxda Al-shabaab ay ka qaado dadka shacabka ah, sidoo kale waxa uu madax u ahaa qeyb ka mid ah Maleyshiyaadka Amniyaadka ah ee fuliya dilalka qorsheysan.

Taliyaha howlgalinta Ciidanka Xoogga ee qeybta 43Aad G/sare Ismaciil Shiikh Isxaaq oo la hadlay Idaacadda ku hadasha Afka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa sheegay in horjooge Xuseen Maxamuud Ramadaani isa soo dhiibistiisa ay timid, iyaddoo Kooxda Alshabaab dhexdeeda uu ka jiro Khilaaf aad u xooggan, isaggoo xusay in ay soo gaareyso warbixin sheegeysa in Argagixisada iyagga ay hadda  is beegsanayaan.

Xuseen Maxamuud Ramadaani oo ah Horjoogaha Ciidanka isku soo dhiibay oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada qalabka sida, ayaa sheegay in uu ka qeyb qaatay dagaalo badan, islamarkaana uu go’aansaday inuu isaga baxo Kooxda oo uu sheegay in daadinta Dhiigga Shacabka ay usoo jeesteen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...