Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti-(Sawirro)

Date:

Jabuuti-(SNTV)-Guddomiyaha Golaha Shacabka Soomaliyeed Amb Mohamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo Booqasho Ku Jooga Dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada aan Walalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle, waxayna ka Wada hadleen sidii iyagoo wada jira ay isaga gaashan lahaayeen arrimaha xiriirka Dunida iyo wax is dhaafsiga.

Guddoomiye Mursal oo Maalintii Labaad Booqasho Ku Jooga Dalka Jabuuti ayaa sidoo kale la kulmay Raisalwasaraha Dalka Jabuuti Mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed, Waxyna Ka wada hadleen xiriirka Labada Dowladadood Iyo Iskaashiga Labada Dhinac sidii loo sii xoojin lahaa.

Madaxda Jabuuti ee uu ugu horreeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa walaalahooda Soomaaliya uga mahad celiyay doorkii lama illaawaanka ahayd ee ay ku lahaayeen madax bannaanideeda 27-kii June 1977-kii.

Mudane Mursal ayaa Maanta ka qayb geli doono xuska Maalinta xorriyadda Jabuuti oo ku beegan 27-ka June,waxaana lagu wadaa inay munaasabaddaasi ka qayb galaan waddamada jaarka la ah Jabuuti iyo kuwa ay saaxiibbadda yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...