Madaxweyne Farmaajo “Waxaa waajib naga saaran yahay in aan jiilka naga dambeeya uga tagno taariikh ay tixraacaan”

Date:

Muqdisho, 26ka Juun 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxa uuna halkaasi kula hadlay boqollaal shacab ah oo u dabbaal dagayay maalamaha xorriyada.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26 ka Juun, isaga oo sheegay in ay tahay maalin weyn oo farxad leh oo dalkeena qeyb ka mid ah, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii ingiriiska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba ku guugaabiyay in ay muujiyaan midnimo, walaaltinimo iyo isjacayl, ayna ilaashadaan qarannimadooda.

“Waxaa waajib naga saaran yahay in aan jiilka naga dambeeya uga tagno taariikh ay tixraacaan, waxaan ka shaqeyneynaa horumarka Soomaaliya, waxaan ka shaqeyneynaa wanaaga Soomaaliya, waxaa waajib inagu ah wax walba oo aan sameyneyno in aan ka fiirinno waxa naga haraya oo taariikh iyo dhaxal ah si dadka naga dambeeya ay u tixraacaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Munaasabadda ubax dhigga Taallada Daljirka Dahsoon waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan wasiirrada Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...