Eritrea iyo Ethiopia oo wadahadallo nabadeed uga bilowdeen Addis Ababa

Date:

Wafdi sare oo ka socda dawladda Eritrea ayaa maanta gaaray dalka Ethiopia, halkaas oo ay ka bilaabanayaan wadahadallo nabadeed oo xadka labada wadan ku aadan.

Wafdiga Eritrea ka socda waxaa hogaaminayey wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Cusmaan Saalax, waxaana qayb ka ah Yemane Gebreab oo ah kaaliyaha sare ee madaxwaynaha Eritrea.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa garoonka diyaaradaha Addis ababa ku soo dhaweeyey, waxaana ay wada qaateen kulan ku aadan sidii wada xaajoodka loo bilaabi lahaa.

Arrintan waxa ay ka dambaysay markii Ra’iisal wasaaraha Ethiopia uu sheegay inuu aqbalay heshiiskii Nabadeed ee Algeris ee soo baxay sanadkii 2000, kaas oo magaalada Badme u calaamadaynayey Eritrea.

Labada dal waxaa dhex maray dagaal 2-sano socday oo ay ku dhinteen dad ka badan 70-kun oo ruux, ka hor inta aysan kala go’in 1993-dii, balse hadda waxay u muuqataa in xaalad daris wanaag ah ay abuurayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...