Ciidanka Xoogga dalka oo Nabad diidka Alshabaab ka xoreeyey deegaano horleh oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose

Date:

Muqdisho (SNTV), Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka waxay ku guuleysteen Xoreeynta buundada Araare ee Jubbada Hoose.

Buundada Araare,  ayaa Nabadiidka Al-shabaab waxay u aheyd goob ay ku qaadaan lacagaha baada ah ee kooxda ay ka qaado Shacabka kala duwan ee isticmaalo halkaasi.

Taliyaha Ururka 58-aad ee Guutada  11-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cabdi IbraahimCali oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in Argagixisada Alshabaab laga Xoreeyey Buundada Araare oo Saldhig muhiim ah u aheyd Cadowga.

Col. Cabdi ibraahim, ayaa Xaqiijiyey in Arxan laaweyaasha dagaalkaasi looga dilay inkabadan Todobo Maleeshiyaad ah, islamarkaana laga furtay Hub iyo Gaadiid Dagaal, isaggoo xusay in Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka, ay nolosha ku qabteen labo Dagaalame oo ka tirsan Nabad diidka Alshabaab .

Buundada Araare  ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa 7KM waxay u jirtaa degmadda Jammaame,  waxayna Ciidanka Xoogga Dalka  sidoo kale u ruqaansadeen  Jamaame oo xarun u ah Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...