Ciidanka Xoogga dalka oo Nabad diidka Alshabaab ka xoreeyey deegaano horleh oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose

Date:

Muqdisho (SNTV), Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka waxay ku guuleysteen Xoreeynta buundada Araare ee Jubbada Hoose.

Buundada Araare,  ayaa Nabadiidka Al-shabaab waxay u aheyd goob ay ku qaadaan lacagaha baada ah ee kooxda ay ka qaado Shacabka kala duwan ee isticmaalo halkaasi.

Taliyaha Ururka 58-aad ee Guutada  11-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cabdi IbraahimCali oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in Argagixisada Alshabaab laga Xoreeyey Buundada Araare oo Saldhig muhiim ah u aheyd Cadowga.

Col. Cabdi ibraahim, ayaa Xaqiijiyey in Arxan laaweyaasha dagaalkaasi looga dilay inkabadan Todobo Maleeshiyaad ah, islamarkaana laga furtay Hub iyo Gaadiid Dagaal, isaggoo xusay in Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka, ay nolosha ku qabteen labo Dagaalame oo ka tirsan Nabad diidka Alshabaab .

Buundada Araare  ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa 7KM waxay u jirtaa degmadda Jammaame,  waxayna Ciidanka Xoogga Dalka  sidoo kale u ruqaansadeen  Jamaame oo xarun u ah Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...