Ciidamo loo soo qabtay burcadnimo oo ay Maxkamadda Ciidamada sii deysay.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax  ayaa Ciidamada Amniga Deegaanka Garas-baalleey ka soo qabteen  kedib markii lagu soo war geliyay  in ay jiraan rag baad ka qaata dhismayaasha  xaafadaha ee deegaankaasi ku sii kor-dhaya.

Kedib Ciidamada Amniga ayaa u soo gudbiyay Hogaanka Baarista Ciidamada, Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax  kedib baaristooda  waxa ay  u soo gudbiyeen 20-kii   bishii la soo dhaafay  Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Iyana isla maalintaas codsaday in la geeyo xabsiga si loo muddeeyo Maxkamada Qaadista raggan ay soo gudbiyeen Ciidamada Amniga.

19-kii Bishan ayaa Maxkamadda Ciidamada ay u fariisatay  dhageysiga  dacwdda ragga loo heysto oo ah  dhacca oo ay horey u codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana isla maalintaas la furay kiiska ka dhanka ah eedeysanayaasha kor ku xusan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu horreynba sharaxay eedda ka dhanka ah Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax, waxa ayna hor keeneen Maxkamadda Markaatiyaal uu ka mid yahay Guddoomiyaha deegaanka Garas-baalleey iyo Ku xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda, waxa ayna maxkamadda ka hor sheegeen in eedeysanayaasha lagu   soo qabtay  howlgal si guud loogu baadi goobayay  rag dhac ka geystay deegaanka  balse aysan jirin xilligaasi dambi ay gacmaha kula jireen eedeysanayaasha.

Qareenka difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in ay bari ka yihiin eedda ay soo jeediyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla markaana ay yihiin raggan la soo qabtay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la kulmay howl-gallo sida ay Maxkamadda ka hor cadeeyeen masuuliyiinte Deegaanka.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku  gaaray in la siiyo xurriyadooda Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax, iyagoo  aan ku qancin cadeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo Markaatiyaasho oo aan si buuxda ugu caddeyn dambiga, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan ( Wabiyow ) oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada ayaa si maalin la’ah u fariisato dambiyada ka dhanka ah Ciidamada iyo kooxaha u habeysan sidii qaab ciidan oo kale gaar ahaan kooxaha Arga-gixisada ah, waxa ayna dacwadaha ay soo gudbiyaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida kala saaraan dambiyada lagu soo oogay jiritaankooda iyo in kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...