Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqasho Hal Maalin Ah Ay Uga Bilaabatay Magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda

Date:

Kigali, June 24, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho ka duulay ayaa galabta gaaray magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hogaaminayo oo qeyb uu ka yahay Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Khayr, ayaa loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Kigali.

Ra’iisul wasaaraha oo booqasho hal maalin ah ay uga bilaabatay Kigali ayaa caawa kulan casho ah la qaadanaya dhigiisa Rwanda, Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golaha wasiirada dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalinta berri ah la kulmaya madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ahna Gudoomiyaha Midawga Afrika, waxa ayna ka wada hadli doonaan adkeynta xariirka labada dal iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo madaxweyne Paul Kagame ayaa sidoo kale ka wada hadli doona arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto Ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM).

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...