Kigali, June 24, 2018 โRaโiisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho ka duulay ayaa galabta gaaray magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame.
Wafdiga uu Raโiisul Wasaaruhu hogaaminayo oo qeyb uu ka yahay Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Khayr, ayaa loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Kigali.
Raโiisul wasaaraha oo booqasho hal maalin ah ay uga bilaabatay Kigali ayaa caawa kulan casho ah la qaadanaya dhigiisa Rwanda, Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golaha wasiirada dalkaas.
Raโiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalinta berri ah la kulmaya madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ahna Gudoomiyaha Midawga Afrika, waxa ayna ka wada hadli doonaan adkeynta xariirka labada dal iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.
Raโiisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo madaxweyne Paul Kagame ayaa sidoo kale ka wada hadli doona arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto Ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM).
โDHAMMAADโ-

