Guddoomiye Tuulax โ€œWaxaan u baahanahay Muqdisho oo ammaan ahโ€

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Guddoomiye ku-xigeenka amniga ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ku amaanay ciidamada amniga dadaallada ay ugu jiraan xaqiijinta Nabad gelyada Caasimadda, isagoo markale shacabka ku booriyay inay sii labo jibaaraan la shaqeynta ciidanka.

โ€œRuntii ma nagu filna hal bil oo aan qarax dhicin, aragtideenu waxa ay tahay in aan gaarno hadaf ah in sanad iyo labo sano aysan magaalada ka dhicin wax qarax ah, ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Guddoomiye ku-xigeenka oo ka hadlay bishii Ramadan ee aynu ka soo gudubnay inay noqotay tii ugu horeysay ee aan magaalada wax qalaaso ah ka dhicin, isagoo arrimahaasi ku amaanay ciidamada xasilinta caasimadda oo garab ka helaya shacabka Muqdisho.

โ€œHal qof oo Soomaali ah oo ku dhinta caasimadda waxa ay nagu qabaneysaa murug, waxaana noo qorseysan haddii uu Alle idmo inaan sii labo laabno falalka lidiga ku ah amnigaโ€ ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax mar uu ka hadlayay muuqaalo been abuur ah oo ay soo saareen maleeshiyaad Al-Shabaab baraha bulshada, kaasi oo ay ku doonayeen inay ku cabsi geliyaan bulshada, ayaa xusay in taasi ay tahay mid aan u socon doonin.

โ€œMuuqaladan waxa ay ahayd mid ay soo aruurinayeen muddo lix bil ka badan, waxaana ay soo dhigeen xilliga Ramadaanka, mana ahayn mid sax ah, balse ciidamada ayaa ku guuleystay inay beeniyaan qorsheyaasha ay damacsanaayeen Nabad diidka Al-Shabaab.

Guddoomiye Tuulax ayaa xusay in bilaha soo socda ay dar dargelin doonaan howlaha dariseynta si loo xoojiyo Nabadgelyada caasimaada.

โ€œGuulkasta oo aan gaarno waxaa gacan weyn ku leh shacabka ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ka shaqeynay inaan isku xirno shacabka iyo maamulada degmooyinka, anaga oo u mareyno hanaanka dariseynta ah oo uu Madaxweynaha dalka noogu furay degmada Waaberiโ€ ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka amniga ee Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...