Ra’iisul wasaare Kheyr oo Dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu ka soo qayb galay shirkii Oslo Forum ee looga hadlayay xaaladda dhaqaale iyo dib u habaynta maaliyadda Soomaaliya.

Mudane; Kheyre oo ay safarkiisa ku wehliyeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay Gegida Diyaaradaha ee Muqdisha.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay gudaha  Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay inuu safarkoodu kusoo dhammaaday guul.

R/wasaaraha ayaa intii uu Norway ku sugnaa u sheegay Beesha Caalamka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqanba in horumar buuxa laga gaadhay koboca dhaqaalaha Dalka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay mar kale Soomaaliya cagaheeda isku taagto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...