Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu kasoo qayb galay shirka 32aad ee madaxda Urur Goboleedka IGAD ee lagu gaba-gabeeyay Addis Ababa.

Shirka IGAD oo lagu dhexdhexaadinayay Madaxda iyo mucaaradka Dalka Koofur Suudaan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay madax ka kala socota Midowga Afrika iyo Qaramada midoobay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu Addis Ababa ku sugnaa waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda IGAD, isagoo Madaxweynaha Dalka Koofur Suudaan, Salva Kiir oo ay si gaar ah u wada sheekeysteenna uu ku bogaadiyay sida ay Dowlad iyo mucaaradba u aqbaleen inay wada hadlaan.

Wuxuuna madaxweynuhu sheegay inay Soomaaliya Garab taagan tahay Koofur Suudaan, wuxuuna kula dardaarmay inay Labada dhinac ka wada faa’iideystaan fursadaha hor yaalla iyo sidii ay ugu bixi lahaayeen colaadda sokeeye.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa markii ay kasoo degeen Garoonka Diyaaradaha waxaa kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah Dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama...

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...