Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu kasoo qayb galay shirka 32aad ee madaxda Urur Goboleedka IGAD ee lagu gaba-gabeeyay Addis Ababa.

Shirka IGAD oo lagu dhexdhexaadinayay Madaxda iyo mucaaradka Dalka Koofur Suudaan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay madax ka kala socota Midowga Afrika iyo Qaramada midoobay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu Addis Ababa ku sugnaa waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda IGAD, isagoo Madaxweynaha Dalka Koofur Suudaan, Salva Kiir oo ay si gaar ah u wada sheekeysteenna uu ku bogaadiyay sida ay Dowlad iyo mucaaradba u aqbaleen inay wada hadlaan.

Wuxuuna madaxweynuhu sheegay inay Soomaaliya Garab taagan tahay Koofur Suudaan, wuxuuna kula dardaarmay inay Labada dhinac ka wada faa’iideystaan fursadaha hor yaalla iyo sidii ay ugu bixi lahaayeen colaadda sokeeye.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa markii ay kasoo degeen Garoonka Diyaaradaha waxaa kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah Dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...