Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo looga hadlay u diyaar Garowga Maalmaha Xoriyadda

Date:

Muqdisho, June 20, 2018–Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo shir guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa looga hadlay amniga, daadajinta adeegyada asaasiga ah, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha nadaafadda iyo bilic soo celinta magaalada, u-diyaar garowga maalmaha xoriyadda ee foodda nagu soo haya.

Ugu horeyn, ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha degmooyinka laga dhageystay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyagoona ka hadlay xaaladda degmooyinkooda, islamarkaana tilmaamay in meel wanaagsan uu marayo daadajinta adeegyada iyo wada shaqeynta shacabka iyo Maamulka.

Warbixinta amniga oo laga dhageystay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed ayaa lagu xusay in qorsheyaasha sugidda amniga Caasimaddu uu meel wanaagsan marayo, iyadoo shacabka laga codsaday in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha amniga.

Duqa Muqdisho ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisu uu mudnaan siiyey sidii amni buuxa loogu heli lahaa Caasimadda, kaas oo horseed u yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka, Taliyeyaasha ciidamadda iyo shacabka oo iskaashanaya.

Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa heer degmo ayaa ka arrinsaday u diyaar garowga maalmaha Xoriyadda ee 26-ka Juun iyo 1da Luuliyo oo qorshuhu yahay in magaalada Caasimadda lagu qabto munaasabado lagu maamuusayo qiimaha ay leeyihiin maalmaha xoriyadda.

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ayaa intii uu socday waxuu Duqa Muqdisho warbixinno la xiriira Nadaafadda iyo bilicda, dakhliga, amniga iyo siyaasadda ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ku-xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Ugu danbeyn, Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho in loo istaago horumarinta Caasimadda, isagoo u sheegay shaqsiyaadka deegaamaystay dhulalka danta guud in gacanta dawladda dib loogu soo celin doono, ugana digay ganacsatada Soomaaliyeed in dhaqaalahooda ay geliyaan dhulalka danta guud ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...