Kenya oo laga dalbaday in ay Qaxootiga u ogolaato in ay si xor ah u Ganacsadaan

Date:

Muqdisho(SNTV); Qaramada Midoobay ayaa Xukuumadda Kenya ka dalbatay in ay u ogolaato Qaxootiga dalkeeda ku sugan dhaq-dhaqaaqa xorta ah oo awood u siinaya in ay ganacsi ka sameeyaan dalka.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaaliya Amb: Maxamed Affey,ayaa sheegay in xorriyadda awood buuxda siin doonto dadka magan-galyo doonka ah.

Mr. Affey wuxuu sheegay in Qaxootiga loo arkayay in ay culeys ku yihiin wadamada martida loo yahay,hase yeeshee, wuxuu dhanka kale tilmaamay in ay faa’ido yeellan karaan haddii xorriyad la siiyo.

“Qoxootiga waa raasu-maal meel kasta oo ay joogaan, in lagu darana horumarinta dhaqaalaha waa mid ka mid ah xalalka,” ayuu yiri Affey.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaaliya Amb: Maxamed Affey munaasabad lagu xusayay maalinta Qaxootiga Adduunka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kenya ayuu sheegay in ay martigelisay Qaxooti fara badan oo ka  kala yimid wadamada deriska la ah Kenya sida Soomaaliya,Burundi iyo Koonfurta Suudaan,kuwaasi oo intooda badan ka soo barakacay colaado sokeeye,Amnidaro iyo isku dhacyo hubeysan.

Ugu danbeyntii,Xoghayaha Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya Patrick Ntutu ayaa u sheegay qaxootiga inay u hoggaansamaan sharciyada Kenya ee nabadda ee Bulshada martida loo yahay.

Xigasho: The Star

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre...

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay...

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb...