Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo Ra’iisul Wasaare Khayre Kulan soo Dhaweyn ah ugu Sameeyey Oslo

Date:

Norway(SNTV) Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaye, ayaa magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddankaasi ku dhaqan, kadib munaasabad ballaaran oo ay u sameeyeen wafdiga Ra’iiul Wasaaraha oo maalmihii u danbeeyey halkaasi ku sugnaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galayaasha Munaasabadda u jeediyay khudbad dhinacyo baadan taabanaysa oo khuseysa xaaladda dalka, horumarrada la gaaray iyo rejada wanaagsan ee laga qabo in Soomaaliya ay mar kale cagadeeda isku taago, isaga oo u sheegay in looga baahanyahay bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas in ay ka qayb qaataan horumarka dalka.

Munaasabaddaan ballaaran ee lagu soo dhowaynayey Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa soo agaasimay ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norway oo aasaasayaashiisii uu kamid ahaa Ra’iisul Wasaare Khayre sannadku markuu ahaa 1994-kii, sidoo kalana uu gudoomiye ka soo noqday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inuu aqoon wanaagsan u leeyahay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway maadaama uu in badan ku noolaa dalkaasi, waxuuna tilmaamay in ay yihiin bulsho hadii ay dawladda taageeraan wax badan ku soo kordhin kara horumarinta dalka iyo dawladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid uga jawaabay Su’aalo ay weydiiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Norway, waxuuna ku boorriyay inay dadaalaan, oo ay taladooda, aqoontooda iyo waaya-aragtinamadooda u biiriyaan dawladda.

Wasiirka maaliyadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo munaasabadda ka hadlay ayaa faahfaahiyay horumarka dhanka dhaqaalaha ee laga sameeyey dalka muddadii ay jirtay xukuummadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Nowray ayaa iyana waxa ay Dawladda Soomaaliyeed ku ammaaneen waxqabadka muuqda, iyaga oo ugu duceeyey in Illah uu ku guuleeyo hawlaha qaran ee loo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...