Muqdisho (SNTV), Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle, mudane Maxamed Cabdi Waare oo qeyb ay ka yihiin Madaxweyne ku xiggeenka maamulkaasi, Wasiiro iyo Xildhibaano, ayaa maanta gaaray Magaalo xeebeedka Warsheekh ee Gobolka Shabeelle Dhexe.
Wafdigaasi, ayaa waxaa soo dhaween u sameeyey Masuuliyiinta magaaladda Warsheekh, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.
Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle, mudane Maxamed Cabdi Waare iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa kulan la qaatay Maamulka degmadda Warsheekh, waxaana ay kawada hadleen amniga,horumarka degmadda iyo arrimo kale.
Horumarro aad uwayn ayay gaartay Degmada Warsheekh waxaana maanta ka shaqaynaya Cisbitaal wayn oo hoos imaanaya maamulka Degmada si bilaash ahna bulshada ugu adeegi doono..
Degmada Warsheekh ayaa sidoo kale laga hirgaliyay meel weyn oo loo isticmaali doono Soollarada nalalka ay wada isticmaali doonaan dhammaan shacabka Degmada Warsheekh.