Muqdisho (SNTV), Ciidanka Xoogga dalka, ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay degaanada Maano Muufo iyo Araare oo kawada tirsan Gobolka Jubadda Hoose.
Ciidanka oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka, ayaa ka amabaxay deegaanka baar-sanguuni, iyaggoona ku guuleestay in ay la wareegaan degaanadaasi.
Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka Gen. Ismaciil Saxardiid oo wareysi siiyay Idaacadda codka ciidamada qalabka sida, ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku guuleesteen in ay la wareegaan degaanada Araare, Maano iyo muufo halkaasi oo nabadiidka ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah.
Gen. Ismaciil Saxardiid, ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka nabadiidka Al-shabaab lagu gaarsiiyay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isaggoo xusay in gaadiid dagaal ay ka qabsadeen, waxaana uu intaasi raaciyey in 12 ka tirsan Argagixisada oo uu ku jiro Horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanka Araare lagu dilay howlgalkaasi.