Howlgal lagu baadi goobayo rag ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Waqooyi bari Kenya

Date:

Muqdisho(SNTV);- Ciidamada Booliska Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa baadi goob ugu jira rag ka tirsan Kooxda argagixisada Al-Shabaab,kuwaasi oo baxsaday ka dib weerar ay ku dileen ku dhowaad 8-askari oo ka tirsanaa Booliska Kenya ka geysteen aaga Bojigaras ee degmada Wajir.

Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya,Siddeed askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya ayaa dhintay ka dib gaari ay saarnaayeen oo Qarax kula kacay deegaanka Bojigaras degmada Wajir ee Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya Axadii shalay.

Isku duwaha Gobolka Waqooyi bari Kenya Muhamed Saleh,ayaa Anadolu Agency u sheegay in durba markuu weerarka dhacay ay daba galeen kooxaha weerarka soo qaaday,islamarkaana Ciidamada Booliska ku raad joogaan sidii gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Weerarkaan ayaa ku soo aadaya maalmo ka dib markii lix askari oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka Kenya lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Liboi oo ka tirsan magaalada Gaarisa oo u dhow Xuduuda Soomaaliya.

Waxayna saraakiisha Ciidamada Ammaanka Gobolka Waqooyi bari ay sheegeen in Kooxaha hubeysan ee weerarka geystay looga shakisan yahay kooxda argagixisada Al-Shabaab dadaalna loogu jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Roontada Ciidamada Booliska Kenya ay ka sameynayaan deegaanada ku dhow Xuduuda Soomaaliya sida Wajir,Mandera iyo Gaarisa ayaa sii xoogeysanaya,kuwaasi oo ujeedkooda lagu sheegay mid lagu adkeynayo ammaanka deegaanadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...