Howlgal lagu baadi goobayo rag ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Waqooyi bari Kenya

Date:

Muqdisho(SNTV);- Ciidamada Booliska Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa baadi goob ugu jira rag ka tirsan Kooxda argagixisada Al-Shabaab,kuwaasi oo baxsaday ka dib weerar ay ku dileen ku dhowaad 8-askari oo ka tirsanaa Booliska Kenya ka geysteen aaga Bojigaras ee degmada Wajir.

Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya,Siddeed askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya ayaa dhintay ka dib gaari ay saarnaayeen oo Qarax kula kacay deegaanka Bojigaras degmada Wajir ee Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya Axadii shalay.

Isku duwaha Gobolka Waqooyi bari Kenya Muhamed Saleh,ayaa Anadolu Agency u sheegay in durba markuu weerarka dhacay ay daba galeen kooxaha weerarka soo qaaday,islamarkaana Ciidamada Booliska ku raad joogaan sidii gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Weerarkaan ayaa ku soo aadaya maalmo ka dib markii lix askari oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka Kenya lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Liboi oo ka tirsan magaalada Gaarisa oo u dhow Xuduuda Soomaaliya.

Waxayna saraakiisha Ciidamada Ammaanka Gobolka Waqooyi bari ay sheegeen in Kooxaha hubeysan ee weerarka geystay looga shakisan yahay kooxda argagixisada Al-Shabaab dadaalna loogu jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Roontada Ciidamada Booliska Kenya ay ka sameynayaan deegaanada ku dhow Xuduuda Soomaaliya sida Wajir,Mandera iyo Gaarisa ayaa sii xoogeysanaya,kuwaasi oo ujeedkooda lagu sheegay mid lagu adkeynayo ammaanka deegaanadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...