Markabkii siday Muhaajiriinta Afrika oo ku xirtay Spain

Date:

Muqdisho (SNTV)- Dufacadii u horeysay oo ka tirsan boqolaal Muhaajiriin ah ayaa gaaray Spain, kuwaasi oo laga soo badbaadiyay badda dhexe, kadib markii Talyaaniga iyo Malta ay diideen in ay qaabilaan.

Saddex ka mid ah Doomaha dheeraaya ayaa badda gudaheeda kasoo daabulay Tahriibayaasha oo u badan Afrika.

Kooxaha Caafimaadka iyo Booliska ayaa markiiba gurmad Caafimaad u fidiyay Muhaajiriinta, iyaga oo su’aalaya waxyaabaha ay u baahan yihiin, si ay uga soo kabtaan diifta iyo dhibaatadii kasoo gaartay Badda.

Dowladda Spain ayaa sheegtay, in si dhow ay ula soconeyso Xaaladooda islamarkaana ay u sameeneyso baaritaan Caafimaad iyo daryeel intaba.

Badbaadinta Tahriibayaasha ayaa ka dambeysay, xilli cida qaabileysa soo galootinga ay muran ka dhex dhalisay Midowga Yurub diidmada Italy kadib, waxaase aqbalay Spain.

Tirada Dadkaan oo gaareysa 629 ayaa waxaa ka mid ah 11 Caruur  oo da’dooda ay ka yar tahay 13 iyo toddobo Haween oo Xaamilo ah sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Spain.

Boqolaal ka tirsan Hay’adda laan-qeyrta cas ayaa gaaray Dekada magaalada Valencia oo ah halka ay caga dhigatay Markab sida Muhaajiriinta.

Kumaan Qof oo ka tagay Afrika ayaa ku dhintay Badda, iyaga oo raadinaya nolal dhaanta mida dalalkooda, iyaga oo sii maraya Liibiya.

Spain oo aan ka mid aheyn dalalka qaabila Qaxootiga, ayaa la aamisan yahay in cadaadis kaga yimid Midowga Yurub ay u ogaalatay in Markabka uu ku xirto dalkeeda hase ahaatee wali ma cadda cida qaabilo doonta Qaxootigaan.

Maxamed Cali Axmed Rooraaye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...