Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo isweeydaarsaday hambalyada Ciidda

Date:

Muqdisho, 15ka Juun 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane CabifataaxSiciid Alsiisi, ayaa ugu hambalyeyay shacabka iyo hoggaanka dalkaas maalmaha barakeysan ee Ciidda Fidriga.

Madaxweynaha ayaa la hadalkiisa ku yiri “Waxaan u rajeeynayaa Masar iyo shacabkeeda aan walaalaha nahay horumar iyo baraaro joogta ah, annaga oo sidoo kale guul Alle u weydiinayna Golaha Xukuumadda Cusub ee dhawaan aad xilka u magacawday Madaxweyne.”

Dhankiisa, Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdifataax Alsiisi ayaa tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isagoona Alle uga baryey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdoodaba in u siyaadiyo xasilloonida, horumarka iyo isku duubnida.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalalka Masar iyo Soomaaliya, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u dul maray Madaxweyne Alsiisi, tallaabooyinka muuqda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qaadday xasilinta amniga iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.

Mudane Cabdifataax Alsiisi ayaa xaqiijiyey in dalkiisa Masar ay garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona muujiyay sida ay uga go’antahay in la joogteeyo, korna loo qaado xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii...

Mareykanka iyo Israa’iil oo duqeymo ka geystay Iiraan

Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka...

Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii...

Degmada Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...