Waxqabadka dowladda ee Usbuucii la soo dhaafey

Date:

Dawladaha Soomaaliya Iyo Jabuuti Oo Ku Heshiiyeyin Ay Iska Kaashadaan Xoojinta Amniga.

08/06/2018- Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada. Kulanka intii uu socday ayaa la isla gartay in labada dal ay iska caawiyaan arrimaha ay ka mid yihiin Xoojinta ammaanka, Hagaajinta xariirka arrimaha dibadda, ka faa’iideysiga Kheyraadka iyo in Jabuuti ay Soomaaliya ka taageerto dhanka Isgaarsiinta. Waxyaabahan la isku raacay ayaa waxa ay qeyb weyn ka qaadanayaan horumarinta hannaanka dowladnimo ee Dowladda Soomaaliya diiradda ku saareyso. Dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa hore waxa ay isku meel dhigeen heshiisyo taabagal ahaa oo dan u ah labada dal.

Ra’Iisal Wasaaraha Oo Kuurgalay Xaaladda Nololeed Ee Qoxootiga Soomaaliyeed Ee Ku Nool Cali Cadde Jabuuti.

08/06/2018-Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hogaaminayo ee ku sugnaa Jabuuti ayaa booqday degmadda Cali-cadde oo ka tirsan gobolka Cali Sabiix ee dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku nool yihiin Qaxooti Soomaaliyeed oo ka qaxay colaadihii dalka ragaadiyay. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdigiisa ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay deegaanka ay ku noolyihiin qaxootiga Soomaaliyeed, waxa uuna ka sheekeeyay ra’iisul wasaaruhu dhibaatada ay leedahay Qaxootinimada. Ra’iisal wasaaraha soomaaliya ayaa uga warbixiyey qaxootiga Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool horumarada uu dalku ku tallaabsanayo, waxa uuna ku booriyey meesha kaliya ee nolosha ugu wanaagsan laga heli karo ay tahay dalkii hooyo.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Gudubtay Wejiga Labaad Ee Deyn Cafinta Una Gudubtay Wejiga 3aad.

09/06/2018-Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay Bankiga aduunka iyo hay’adda  lacagta aduunka inay ku qanceen hufnaanta nidaamka maaliyadda dalka, ayna ka gudbeen wajiga labaad ee habka deyn cafinta Soomaaliya, isagoo sheegay in iminka  laguda galay wajigii ugu dambeeyay ee deyn cafinta oo ay horyaalaan shuruudo hor leh. Wasiir Beyle ayaa waxa uu yiri  “Laba Arrimood ayaa noo suura galay, waa tan koowaadee waxaan soo gaba gabeynay wajigii labaad oo warqadina ay kasoo baxday la leeyahay Soomaalidu wey kasoo baxeen, waxaa taasi noogu xigay in uu inoo bilowday wajigii sadexaad oo aan fileyno inuu yahay kii ugu dambeeyey oo hadii aan ka gudubno aan kamid noqoneyno aduunyada kale”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Nidaamka deyn cafinta Sooaamliya ayaa soo maray heerar kala duwan oo haatan u gudbay heerkii ugu dambeeyey taaso la filayo haddii lagu guulaysto in waddanka Soomaaliya uu heli doono maalgashiyo caalami ah iyo kobac dhaqaale oo aad ugu diirsadaan ummadda Soomaaliyeed sida ay qabaan in badan oo ka mid ah shacabka.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Oo Ku Guulaysatay 5,000 Oo Ciidanka Ka Mid Ah  Mushaarkooda u Marsiisay Akoono Ay Ku Leeyihiin Bangiyada Dalka.

09/06/2018-Wasaaradda maaliyadda ayaa aayadii la soo dhaafay wadday hagaajinta hannaanka mushaar bixinta ciidamada qaranka iyada oo haatan ku guulaysatay in 5,000 oo ka mid ah ciidamada qaranka Soomaaliyeed mushaaraadkooda u marsiiyeen akoono ay ku leeyihiin qaar ka mid ah bangiyada dalka, wasiirka wasaaradda maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa yiri “Shantii kun ee ugu horeysay ee ciidankeena kamid ah ayaan Akoono u sameynay inta kalena wey ku xigeysaa, qof waliba oo ciidan ah iyo qof waliba oo shaqaale ah iyo cid waliba oo dowladda wax ka qaadataa waa iney farihiisa meel yaalaan Akoonkiisa wax lagu shubaa waxyaabahana arrimo badan bey xalineysaa”ayuu yiri wasiirku. Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in la ogaan doono safaaradaheena dibadda hadii ay jiraan lacago soo gala iyo halka lagu bixiyo, iyo tirada shaqaalaha ka howlgala safaaradaha Dibadda ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Daah Furay Wadatashiga Diyaarinta Buugga Waxbaridda Cod-Bixiyaha Iyo Wacyi-Galinta Arrimaha Doorashooyinka.

09/06/2018-Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa daah furay wadatashiga diyaarinta Buugga waxbaridda cod-bixiyaha iyo wacyi-galinta Arrimaha Doorashooyinka. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxay dadaal ugu jirtaa diyaarinta Buugga waxbaridda Cod-bixiyaha iyo wacyi-galinta Arrimaha  doorashooyinka, wadatashigan diyaarinta buuggan ayaa waxaa ka qeyb-galaya oo ka kala socda Hay’adaha Waxbarashada, Bahda saxaafadda iyo Ururada bulshada rayidka ah ay aragtidooda ku biirinayaan diyaarinta Buugaan iyo sida looga mira dhalin karo wacyi-galinta bulshada ee ku aadan doorashada qof iyo cod ah ee la filayo in dabayaaqada sanadka 2020 dalka ay ka dhacdo. Buuggan ayaa waxab uu muhiim u yahay hannaanka doorasho ee ay dowladda dadaalkeedu waddo kaasi oo lagu barayo muwaaddinka qaab codbixinta iyo arrimaha doorashooyinka iyada oomlooga gol leeyahay in kor loo qaado wacyiga muwaaddinka codka bixinaya iyo hannaanka uu marayo.

Duqa Muqdisho Oo Xariga Ka Jaray Waddada Isku Xirta Madaxtooyada Iyo Dekedda Oo Dib Loo Dhisay.

09/06/2018-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisow) ayaa xariga ka jaray Waddada isku-xirta Madaxtooyada Qaranka iyo Dekedda Muqdisho taas oo dhawaan dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhismaha waddooyinku ay kaalin mug leh ka qaateen dib-u-soo celinta bilicda,hormarinta amaanka,abuurista shaqooyinka iyo sidii Caasimaddu ay u heli lahayd dariiqa saxda ah ee dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska. Isagoo tilmaamay in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan Maamulka, bixiyaan canshuuraha, qeyb muhiim ahna ka qaataan dib-u-dhiskiisa dalkoodana. Shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa deggen agaagaaraha waddadan la dhisay ayaa si weyn ugu riyaaqay dib u dhiska lagu sameeyey waddan dekedda Muqdisho iyo Madaxtooyada, waxayna ku booriyeen hoggaanka dalka in ay laba jibaaraan dadaaladooda horumarineed ee ay ka fulinayaan dalka gaar ahaan caasimadda.

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Burburyay Saldhigyo Ay Alshabaab Ku Lahaayeen Duleedka Kismaayo Khasaarana Gaarsiiyay.

10/06/2018-Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Jubbaland iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa Al-shabaab kala wareegay degaanka baar-sanguuni oo Magaalada kismaayo u jira 50km,halkaasi oo khasaarooyin loogu geystay Alshabaab. In kabadan 25 kamid ah horjoogayaasha iyo maleeshiyada Alshabaab ayaa la sheegay in lagu dilay howlgalkaasi qorsheysnaa,sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee hoggaaminaysay howlgalkaasi. Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Janaraal Ismaciil saxardiid ayaa sheegay in lagu guuleestay howlgalkii ka socday nawaaxiga baarsanguuni,isagoona tilmaamay in howlgalka ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamiga ah.

Maamulka Gobolka Benaadir Oo Ammar Ku Bixiyey In La Burburiyo Dhismaha Piazza Libero

10/06/2018-Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta iyada oo goobtaasi goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore. Duqa Muqdisho ayaa mar sii horreysay hakiyey dhismaha goobtan ka dibna u direy baaris rasmi ah. Iyadoo la fulinayo awaamiirta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu Duqa Muqdisho ammar ku bixiyey burburinta dhismahan sharci darrada ah. In badan oo bulshada ka mid ayaa walaac xooggan ka muujiyey boobka loo gaysanayey hantida qaranku leeyahay oo sida gaarka loo adeegsanayo, hayeeshee ka markii burburinta lagu bilaabay goobtan ayaa in badan oo bulshada u riyaaqay sheegeenna in ay ku cibra qaatan inta kale sida loo burburiyey dhismihii Biasa Leibaro..

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Oo Lacag Ciidsiin Ah u Qeybiyey Kudhawaad 100 Carruur Ah Oo Ay Dhaleen Wariyaashii Ku Dhintay Muqdisho.

11/06/2018-Carruurtan oo ay ka tageen 25 wariye oo Muqdisho ku dhintay laga soo bilaabo 2007-dii ayaa waxaa  loo qeybiyay lacag ciidsiin ah oo uu ugu tala galay Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya. C/risaaq Jaamac Cilmi Black oo ah madaxa xiriirka warbaahinta ee Madaxtooyada ayaa sheegay in Xafiiska warfaafintu uu diyaar u yahay in uu kaalin muuqata ka qaato daryeelka agoonta wariyaasha, sidoo kalana uu dhiirigalinayo qorshe kasta oo wax loogu qabanayo carruurtaas. Tallaabadan uu qaaday madaxa xiriirka warbaahinta madaxtooyada iyo bahda saxaafaddaaba ayaa waxay tahay tallaaba aad muhiim u ah oo hore loo qaaday oo la isku garab taagayo agoontii ay ka tageen suxufiyiinta Soomaaliyeed ee geeriyootay, waana horumar loo qaaday dhanka insaaniyadda iyo soomaalinimada.

Ra’iisul Wasaaraha dalka  oo Kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda, Warfaafinta. Gobolka Benaadir.

11/06/2018-Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeer howleed ku tegay wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta si uu ugu kuur galo habsami u socodka howlaha ballaaran ee wasaaraduhu u hayaan Qaranka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ku hor-maray Xarunta wasaaradda maaliyadda waxuuna kula kulmay wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dhanka maaliyadda laga gaaray iyo meesha ay marayaan arimah Cafinta Deymaha oo maraya wajigii ugu danbeeyay (SMP3). Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa kadib booqday wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen wasiirka wasaaradda, Mudane Daahir Maxamuud Geelle, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha. R’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo indha-indheeyay Raadiyow Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), waxuuna warbixinno ka dhageystay agaasimayaasha raadiyaha iyo TV-ga oo uga warbixiyay sida howluhu u socdaan, intaas kadib Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka warfaafinta ayaa qaatay kulan gaar ah oo wasiirku uga warbixinayay wixii u qabsoomay tan iyo markii uu dhawaan la wareegay wasaaradda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirada faray in ay laba jibbaaraan dadaallada si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah Soomaaliya oo mar labaad cagaheeda isku taagto, looguna gudbo horumar iyo barwaaqo. R’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kormeer ku tegay xarunta Gobalka Banaadir, isaga oo kulan la qaatay gudoomiyaha, kuxigeennadiisa iyo Xog-hayaha guud, oo uga warbixiyay horumaradii ugu danbeeyay ee gobalku ku tillaabsaday.

Wasiirka Amniga Xfs Oo Saxiixay Heshiis Dib Loogu Dhisayo Ciidanka Booliska Oo Ay Ku Baxeyso In Ka Badan 40-Milyan.

11/06/2018-Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuuker Isloow Ducaale ayaa Heshiis dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliya Heer Federal iyo Heer Dowlad Goboleed la saxiixday Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Heshiiskaan oo ay ku baxayso In ka badan 40 Milyan oo Dollar ayaa waxa bixinaya Midowga Yurub , Ingiriiska iyo Dowlada Jarmalka oo ka mid ah Dalalka Midowga Yurub laakiin si gaara u taageerta Ciidanka Booliska Soomaaliya. Munaasabada Heshiiska lagu saxiixayay waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Masuuliyiin ka kala socday Dowlad Federaalka, Wasiirada Amniga Dowlad Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka.

Madaxweyne Farmaajo Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjiraha Dowladda Belgium Ay u Soo Dirsatay Soomaaliya.

12/06/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  warqadaha danjiranimo ka guddoomay Safiirka dowladda Belgium ay u soo dirsatay Soomaaliya Mudane Nicolas Nihon. Nihon oo ah Danjirihii ugu horreeyey ee Belgium ay u soo magacawdo Soomaaliya ayaa Madaxwweyne Farmaajo u gudbiyey salaan uu uga siday Boqorka dalkaas Philippe Léopold. Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daauud oo goob joog ku ahaa munaasabaddan ayaa xusay in muhiimad gaar ah ay leedahay in Dowladda Belgium ay safiir u soo dirsato Soomaaliya,maadaama dhawaan dalkaasi uu marti-gelin doonto Shirweynaha Iskaashiga Soomaaliya.

 

Wasiirka Qorsheynta Xfs Oo Muqdisho Kula Kulmay Wafdi Ka Socda Dowlada Sweden, Nataaja Wanaagsanna Ka Soo Baxay

12/06/2018-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan ujeedkiisa ahaa iskaashi dhinaca Tirakoobka la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’addaha Tirakoobka (Statistics) Dalka Sweden oo soo gaaray magaalada Muqdisho. Dowladdaha Soomaaliya iyo Sweden ayaa iskaashanaya dhinacyada Horumarinta ee ku aadan soo saarida xog sax ah oo dhameystiran kuna saabsan dhaqaalaha, tirakoobka dadka iyo isbedelada maciishadda Wadanka. Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saarayey sida uu sheegay Wasiir Jamaal xiriirka soo jireenka ee Soomaaliya iyo Sweden iyo in la  xoojiyo Mashaariicda ay wada qabanayaan labada dowladood iyadoo la xoojinayo dhisida waaxda Tirakoobka, sidoo kale waxaan isla eegay Mashaariic iyo tabbaro badan ay wadaan si wax badan loo qabto. Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa ay dowladda Sweden tababaro joogta ah siineysay shaqaalaha ku howlahan Arrinta Xogaha si aqoontooda kor loogu qaado, sidoo kale waxay balanqaaday in Tababaro gaaraya 28 oo heer caalami ah ay u sameyn doonto.

R/Wasaare Dalka Ayaa Kormeeray Qaar Kamid Ah Xarumaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

13/06/2018- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow, Taliyaha Ciidanka Booliska S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa Xilli dambe oo habeen ah waxay kormeer ku tageen qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Kheyre oo u kuur galayey sida ay u shaqeeyaan Xilliga Habeenkii ah Ciidanka Booliska, ayaa kormeeray Xarunta Dembi baarista ee C.I.D, Dugiga tababarka ee Gen. Kaahiye, Taliska Ciidanka ilaalada Nabad gelyada Wadooyinka, Xarunta Gaadiidka Ciidanka Booliska iyo meelo kale. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska uu ku ammaanayo sida wacan ee shaqada amniga ay u hayaan, waxaana uu kula dardaarmay inay laba jabaaraan howlaha qaran.

Taliyeyaasha Booliska Iyo Asluubta Oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Xarumaha Ciidanka Ammaanka Ay Ku Leeyihiin Duleedka Muqdisho

13/06/2018-Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kormeer u kuurgelid ah  ku tagay qeybo kamid ah Baraha Ciidanka ammaanka ay ku leeyihiin qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir. Labada Taliye, ayaa tagay Xaafado ku  yaallo duleedka Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeyso Taliska Asluubta iyo Sarkuusta, halkaasi oo dhowaan la qorsheynayo in laga dhiso Saldhig Boolis, maadaama ay sii ballaaraneyso Muqdisho,  Xaafadahaasina  aysan laheyn Saldhig. inta ay ku guda jireen Kormeerka, ayaa Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta waxay soo mareen baraha kontoraal ee Ciidanka Ammaanka ku leeyihiin Deyniile, EX Kontarool Afgooye, Tarabuunka, Saldhiga Booliska Degmadda Xamar Jajab  iyo meelo kale, waxaana Ciidanka ay ku dhiiri geliyeen inay laba jibaaraan shaqada Qaranka ay u hayaan.

Madaxweynaha Dalka Iyo Culimada Diinta Ayaa Isku Afgartay In Iyada Oo Mid La Yahay Laga Hortago Afkaaraha Xajirnimada Ku Salaysan.

13/06/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo  la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay culumada diinta in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadajirka iyo wada-shaqeynta culamadu ay asaas u tahay qorsheyaasha cirib-tirka argagixisada iyo dabar-gooynta fikradaha dib u dhigay dowladnimadeenna, oo ay ka mid yihiin qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada. Dhanka kale, Culumada oo la wadaagay Madaxweynaha aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Culumada ayaa sheegay in ay kalsooni ku qabaan dadaallada ay dowladdu ku bixineyso dib-u-habeynta garsoorka, ilaalinta madax-bannaanida dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u soo-celinta boqolaalka dhallinyarada ah ee ku dhibaateysan xabsiyada shisheeye. U dambayntii kulankan gunaanudkiisa ayaa si weyn la isugu af gartay waxyaabihii laga naaqishayey.

Wasaaradda Ganacsiga Xfs Oo Mamnuucdey Hubka Caagga Ka Sameysan Oo Ay Carruurta Ku Ciyaaraan

13/06/2018-Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa wareegto uu soo saaray ku mamnuucay in ganacsatada ay soo dejin karin Toys-ka ka sameysan Hubka Caagga ah ee ay ku ciyaaraan carruurta munaasabadaha ciidda. Wasaaradda, ayaa ganacsatada ku wargalisay in aysan dalka keenin waxyaabo dhib keeni kara, taa badalkeedna ay bulshada ku dhiiri galiyaan nabadda. Wareegtada, ayaa sidoo kale faraysa ganacsatada inay dhaqan geliyaan amarkan heer walba, ha joogaan dawlad goboleedyada iyo caasimadaba. Waxyaabaha ka sameysan baarruudda ayaa waxa ay bulshada geliyeen qalqal dhawaaqa ay sameeyaan dartooda, in badan bulshada ka mid ahna cabasha ka keeneen. Sidoo kale bulshada ayaa inta badan ka hadla waxyaabaha u sameysan sida hubka oo ay carruurtu ku ciyaaraan aysan dhiirigelinaynin nabadda iyo xasiloonida.

Ciidamada Xoogga Dambeeyey Uu Ka Qabsaday Shabaab Deegaano Hor Leh Ka Dib Howgalkii Baarsanguuni.

14/06/2018-Wixii ka dambeeyey howlgalkii ballaarnaaa oo ciidanka Xooga Dalka ay ka fuliyeen dhawaan deegaanada dhaca Waqooyiga magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa sii kordhayay dhaqdhaqaaqyada ay ciidamadu ku doonayaan in maleeshiyaadka shabaab laga ciribtiro guud ahaan deegaanadaasi,kadib dhiirogelin ay ka heleen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha dowladda. Ciidamada ayaa u jihaystan haatan deegaano horleh oo kuyaala Jubooyiinka,si kooxaha argagixisada ay uga saaraan guud ahaan deeganada ay ku dhuumaalauysanayaan. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod iyo wafdi saraakiil oo uu hoggaaminayo oo tagay deegaanka Bar Sanguuni oo ay ciidanka  Xoogga dalka ka saareenAlshabaab ayaa sheegay in ciidanku aanay dib uga soo laaban doonin deegaanadii ay qabsadeen,balse ay sii socon doonaan.

 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

DHAMMAAD

 

W/D Maxamed Cali Juxa

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...