Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Musaabad kooban oo lagu qabtay studio Radio Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo ay ku tartameen 30 degmo, kaasi oo socday muddo 29 cisho ah, waxaana munaasabadda xiritaanka ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir.,

Sidoo kale munaasabadda waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Guddoomiyaha Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka iyo xubno kale.

Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte Agaasimaha Radio Muqdisho ahna xubin ka mid ah Guddiga tartanka ayaa ugu horeyn qadka soo geliyay tartamayaasha labada Degmo ee Warta Nabadda iyo Kismaayo, iyadoo labada Tartame ay isugu hambalyeeyeen sida wanaagsan ee uu tartanku ku dhamaaday.

Guddomiyaha Degmada Warta Nabadda Seynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) ayaa sheegtay inay u hambalyayneyso tartamayaasha Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, iyadoo xustay in tani ay meesha ka saareyso tuhunkii ahaa in Warta Nabadda ay sanadkasta qaaddo tartanka, waxaana ay intaa ku dartay in guddiga ay uga mahadcelineyso sida hagar la’aaneed ee ay tartanka u qabteen.

Tartamaayasha Degmada Kismaayo ayaa dhankooda mahacelin u jeediyay dhigooda Warta Nabadda oo markii saddexaad oo xiriir ah soo tiigsaday kulanka kama dambeysta ah, iyagoo sidoo kale mahadcelin u jeediyay Madaxda dowlad Goboleedka Jubbaland iyo dhamaan intii gacan ku siisay tartanka.

Maxamed Abuukar Axmed Ma’da Guddoomiyaha Guddiga Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo sida quruxda badan ee uu ku soo idlaaday tartanka, isla markaana la muujiyay dhabar adeeg maddudadii uu socday.

“Shaqo adag ayaan qabanay, balse guusheeda caawa ayaan u fadhinaa, waana talaabo aad u muhiimsan, runtii Madaxda Wasaaradda Warfaafinta waan uga mahadcelieyana garab istaaga ay noo muujiyeen, sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu noo suurta geliyay in aan ka helno qalab aan si toos ah ugu sameynaynay qori tuurka iyo isku aadka tartanka” ayuu Yiri Maxamed Abuukar Axmed.

Guddoomiyaha Guddiga Tartanka ayaa sheegay in sanadkan buugaag laga sameyn doono su’aalihii tartanka, isla markaana ay noqon doonaan buugaag cilmiga laga kororsado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaalla ayaa sheegay in guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ay mudanyihiin in lagu bogaadiyo howsha adag ee ay soo qabteen tan iyo markii uu tartanka soo bilowday.

“Waxaan Alle ka sokow u mahadcelinaya Guddigii uu hogaaminayay Maxamed Abuukar, in shaqo fiican ay soo baxdo, waxaa ka horeysa inaad shaqeyso xilligii aad shaqeyn jirtay xilli ka badan, waxaan u mahadcelinayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Yariisow oo noo suurta geliay qabsoomidda tartanka”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo la kulmay Wefdi ka socda Midowga Yurub

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise...

R/W ku-xigeenka labaad “Helitaanka aqoonsiga Qaranka waa xaq dastuuri ah oo muwaadinka leeyahay.”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Qatar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Maxamuud Macallin oo Kenya ka daah-furay Mashruuc ay ku baxayso lacag $40 Milyan ah

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka ( SoDMA ) Mudane Maxamuud...